Dowlada Federalka Somaliya Oo Dacwad U Dirtey Maxkamada Ugu Sareysa Qaramada Midoobey

1
19

patrolDowladda Soomaaliya ayaa u dirtay maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay dacwad la xiriirta muranka badda ee kala dhexeeya Kenya, si loo ogaado xadka badda ee uu dal walba leeyahay.

Dacwaddan ayay dowladdu gudbisay shalay oo Khamiis ahayd, waxayna ku tilmameen mas’uuliyiinta dowladda caalamku aqoonsan yahay in tani ay ka mid tahay qorshayaal ay ku doonayaan inay dib ugu soo celiyaan xuduudihii badda ee ay Soomaaliya lahayd.

Waraka ayaa tilmaamaya in Kenya ay qandaraasyo siisay shirkado caalami ah oo gaas iyo saliid ka baara goobahaas, inkastoo ay jirto hubaal la’aan ah cidda leh dhulka uu muranka ka taaganyahay.

Warbixin ay soo saartay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka codsatay maxkamadda inay go’aan ka gaarto arrinta ku saabsan muranka badda.

Sidoo kale, warbixinta maxkamadda ayaa waxaa kaloo lagu sheegay inay labada dal aqoonsan yihiin awooda maxkamadda, waxayna intaas ku sii dartay in Soomaaliya ay sheegtay in lagu guul-dareystay in qaab siyaasi ah lagu xaliyo muran badeedkan.

 
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. Baroorta Orgiga ka weyn shekadan sheko kale ayaa ka dambeyso.Muxuu ku dacwonaya qofka dacwada qabo muu dacwoda ileen Somalia badeeda inta ml aya tahay dunida waa ogtahay waana diwan gashantahay .muxuu hadda dariq qaldan iyo duldulelo leyskaga so galo uu furaya Ninmaki bdda saxixay wey jogan darajooyiin waweyn ayaa qarkood lo dhibey Qacin Wadan la dalacsinayo Somaliya keliya ayaa lagu arkey.

Comments are closed.