Ciidamada Amisom oo Ay Wehliyaan Kuwa Dowlada oo Saaka U Dhaqaaqey Dhinaca Buulo Mareer

0
107

AmisomCiidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, ayaa saaka oo sabti ah waxa ay ku dhaqaaqeen  Buulo mareer ee Gobalka Shabeelaha hoose oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Shabaab.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay Idaacada VOA, ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay ka baxeen dhowr jiho oo ku aadan Degmada Buulo mareer.

C/qaadir Siidii ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Huwanta ay hada ku sugan yihiin deegaanka Golweyn oo ku dhaw Buulo Mareer qiyaastiina u jirta 15-km.

Ciidanka ayaa dhaqaaqay saaka aroortii, xilli saacada ay ku beegneyd 5:30 Subaxnimo, waxaana ay ka kala baxeen, Qoryooleey, Shalaambood iyo wadada Kabtanlaas oo Qoryooleey ku dhaw.

 
Daafeet.Com