Ciidamada Amisom iyo Kuwa Dowlada oo Maanta la Wareegey Degmada Kuntunwaareey

0
55

dagalCiidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gellinkii dambe ee maanta kala wareegay Al-shabaab degmada Kurtun-waarey ee gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa laga soo xigtay in ciidammo badan oo AMISOM iyo kuwa dowladda ah ay gudaha u galeen Kurtun-waarey, iyadoo degmadan ay ka mid noqonayso deegaannadii Al-shabaab ay tan iyo shalay kala wareegeen Al-shabaab.

Ma jiro illaa hadda hadal kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku saabsan la wareegista maamulka gobolka weli kama aysan hadlin ay la wareegeen maanta degmadaas.

Degmada Kurtun-waarey waxay ka mid ahayd degmooyinka ay awoodda badan ku lahayd Al-shabaab, iyadoo shalay oo Sabti ahaydna ay ciidamadu kala wareegeen deegaanka Buulo-mareer oo ka mid ahayd xarumaha ugu waaweyn ee ay gobolkaas ku lahayd Al-shabaab..

Xarakada Al-shabaab ayaa iyadana weli ka hadlin degmada Kurtun-waarey ee lagala wareegay, iyadoo afhayeen u hadlay kooxda uu horay u sheegay inay go’doon geliyeen deegaanka Buulo-mareer oo ay ciidamada huwanta ah kala wareegeen shalay.

 
Daafeet.Com