Daawo Sawirada Doorashada Gudomiyaha Barlamanka Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

0
74

bayWaxaa maanta xarunta ADC ee Baydhabo oo xarun u ah maamulka lixda gobol ee Koonfur-galbeed lagu doortay guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas.

Xilkan ayaa waxaa u tartamay laba murashax oo kala ah: Cumar Aadan Xasan (Cumar dheere) iyo Xaaji Cali Xasan Isaaq, iyadoo doorashada uu ku guuleystay Cumar Dheere oo noqday guddoomiyaha baarlamaanka maamulka lixda gobol.

Doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha baarlamaanka maammulkan, golaha guurtida iyo wasiirrada maamulkas, iyadoo goobta ay ku sugnaayeen qaybaha bulshada iyo waxgaradku kasoo qaybgaleen.

Mudanayaasha baarlamaanka ee codeeyay ayaa waxay tiradoodu ahayd 89-xubnood iyadoo Cumar dheere uu helay codadka 54-xubnood oo ka mid ahaa xildhibaannadii goobta ku sugnaa, halka Xaaji Cali Xassan uu heley 27 cod oo keliya, xubno kalena way ka aamuseen codeynta.

bay1

bay2

bay3

bay

Daafeet.Com
Daafeet.Com