Gudoomiyaha Barlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo Kol Dhaweyd Gaarey Magalada Baydhaba

1
23

jawaariGuddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Amaanka Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana iska kaashaday Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISO gaar ahaan Ethioipa,waxaana loo galbiyay hooyga uu ka degi lahaa Baydhabo.

GUdoomiyaha barlamaanka ayaa waxa uu magaalada Baydhabo kulamo kula leeyahay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo odoyaasha dhaqanka, iyadoo kulamadaasi ay yihiin kuwa weli socda.

Lama oga inta maalmood ee Baydhabo uu ku sugnaan doono gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo in isla caawa uu ka soo hoyan doono.

 
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. Habunullah waa Nicmal wakiil .

    ” ALLAHUMMA INAA NAJCALU FII NUXUURIHIM WANACUDU BIKA MIN SHURUURIHIM .“

Comments are closed.