Dhegayso…Jawaari oo ku Sabeen xiray golaha Salaadiinta iyo Malaaqyada Digil iyo Mirifle

5
26

bulWarar kala gedisan oo misna isa soo taraya ayaa waxay kasoo baxayaan booqashada ku simaha madaxweynaha isla markaana ah gudoomiyaha Baarlamaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu haatan ku joogo magaalada Baydhabo Caasimada dowlad goboleedka KoonfurGalbeed.

Booqashada Jawaari ayaa ah mid la xiriirta sidii meel la isugu keeni lahaa fikradaha iska soo horjeeda ee ku gudban maamul goboleedka KoonfurGalbeed.

Tan iyo Shalay ayaa Gudoomiye Jawaari waxa uu magaalada Baydhabo ka waday kulamo aan loo kala kicin kuwaasi uu la qaatay Gudiga maamul u samaynta Sedexda gobol iyo Taageerayaashooda oo ka koobnaa qaybaha kala gedisan ee Bulsha sidoo kale ayaa waxa uu kulan la qaatay Bulshada Rayid,Madaxda gobolka Baay,Madaxda Ciidamada AMISOM ee ku sugan baydhabo iyo qaar kaa mid ah Malaaqyada Digil iyo Mirifle ee taageersan Maamulka KoonfurGalbeed ee uu hogaamiyo madaxweyne Madoobe Nuunoow Maxamed kuwaasi oo uu Jawaari soo hordhigay kuna xiray Sabeen uu sheegay in looga cafiyo ku dhawaaqistiisii dhismaha maamulka KoonfurGalbeed 21 Setembar 2013kii Khudbadii Jawaari iyadoo Malaaqyadii Sabeenta Jawaari kasoo qaaday ay haatan shir kula jiraan gudha xarunta ADC-da gudiga guurtada KoonfurGalbeed ee uu hogaamiyo Malaaq Xasan Shure halka Jawaarina haatan uu kulan kula leeyahay Xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo Madaxweyne Madoobe Nuunoow Maxamed Madaxweynaha KoonfurGalbeed.

Guud ahaana wixii kasoo kordha kala soco Daafeet.com iyo Wadajirradio.com

5 COMMENTS

  1. iska ilaaliya munaafuq weyn weye waayo wuxuu rabaa haddana in markle uu idindhigo taako kale ,markaa waxaad yeeleysaan ku adkaystaa muwqifkiina waad guulaysandoontaa inshaa’alah

  2. odaygaan jawaari ah waa gadgadis badan yahay qiyaano ayuu wataa ha layska jiro maamulka goboleedka 6da gobol qaas ahaan madaxweynaha waa inuu iska illaaliyaa qiyaano loo maleegaayo ninkaan waa dagid badan yahay jawaari mowqif ma laha afmacaan ayuu wataa hoostana waxbaa u qarsan ee iska jira

  3. MUJRIMKA U BAAHAN IN LA ISKA FOGEEYO WAA SHARIIF EE LUGOOYADA KU HAYA UMADA DM EE $$$$ KU IIBSADEY EE LOO BAAHNAA IN FAR IYO SUUL LAGU SOO QABTO MARKEY SHEEKADA BILOWGA AHEYD.

  4. Allah Karim illahayow dadkeyga gargaar adiga gargaar baden deganadeydana badbadi adiga badbadin kare Allahayow Sharafti iyo Karami ay DM lahayeey kuwa Dollarka adigan kugu dacweyney Waan dalnayee Llahayow DALIMINTA naga so GAAR AMINNNNNNNNNN.

  5. xadalkaan waa kii La idinku Qaldayey oo daacad kama ahan waana kuwii cayad Qurcaanka lagu shegay( Yaa ayuha Ladiina aamanuu Lima Taquuluuna maala Tafcaluun) Haa huwa warkisa waa wax kama jiraan odey oo odeynimo u eken waa waxa ugu xunaduunka aamin maleh jawari waa isku mowqif asaga iyo shariif sakiin ee xadalada jilcan yuu idinku Qaldin koleyto waan ogahay id idin Qaldi karto meesha maba jogto xaq iyo baatilna isku meel ma galaan intii Dulan nagu wado illahayow Naga Qabo adaa weyne waxid ehe

Comments are closed.