Daawo…Kulankii Dowlada Fedraalka iyo Dowlada KoonfurGalbeed oo hada soo gabagaboobay.

4
126

kuliWaxaa waqti yar ka hor soo gabgaboobay kulankii Madaxweynaha Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed uu la lahaa ku simaha madaxweynaha isla markaana ah gudoomiyaha Baarlamaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,

Kulankan oo ay ku wehliyeen Madaxweyne Madoobe Noonoow xubnaha golihiisa wasaarada ayaa waxay labada dhinac isku weydaarsadeen aragtiyaha ay ka kala qabaan xal u helista ismaandhaafka Dowlada Fedraalka iyo tan KoonfurGalbeed ee ku aadan maamulka KoonfurGalbeed.

Wararka ay helayaan shabakadaha Daafeet.com iyo Wadajirradio ayaa tibaaxaya in kulanka wafdigii dowlada fedraalka ee uu hogaaminayay Jawaari ay kusoo bandhigeen fikirkooda oo ahaa in hada la dhiso maamul goboleed ka kooban sedex gobol(Shabeelaha hoose,Bay iyo Bakool) laba sano oo ku meel gaar ah ka dibna la dhiso maamul ka kooban lix gobol taasi oo Mas’uuliyiinta Dowlada KoonfurGalbeed ay ka biya diideen iyagoo weliba ay Jawaari weydiiyeen su’aalo badan oo ku qotomay Cida diidan maamulka KoonfurGalbeed iyo waxa hada ay Dowlada Fedraalku uga maagayso maamulkan dhisan ee loo dhan yahay,

Ha yeeshee wafdigii Jawaari ayaa waxaa aad ugu adkaaday inay ka jawaabaan su’aalaha iyadoo ugu danbayna mas’uuliyiinta KoonfurGalbeed ay u sheegeen Jawaari inay diyaar u yihiin inay cidkasta oo maamulka ku haysata oo deegaan ah ay la fadhiisan doonaan kulana hadli doonaan meelkasta iyo waqti kasta iyadoo aan weliba jirin shuruud ay ku xirayaan.

Dood dheer kadib labada dhinac waxay isla garteen in kulan kale ay dib isugu soo laabtaan maalin-nimada beri ah ka dibna Saxaafada ay usoo bandhigaan go’aamada ay labada dhinac isla gaaraan.

k2k4k1k4

4 COMMENTS

  1. s/c,dhamaan inta ka soo jeedda lixda qobol,intaa dabadeed,odoyaasha mowqiifkiina ka taagnaada,koonfur galbeed waa dhismeysaa ish,allaah,laakiin iskuduubnaan,iskuduubnaan mowqif adeg leh duldalool ka muuqan,odoyaasha kaatumo,oo 4qof tooda waa la,ogolyahay,except somaliland,ximan iyo xeeb labatuul tooda waa la,ogolyahay,bari,iyadabaa xukunta xasan sheekh kadal malaha,caawey idinka dadnimadiina,nolal ama dhimasho,wax nooqa dhexeeya majirto,today,lixdan gobol,daaruud cayaa kala gooyey qofkasta waa ogyahay altajuba pasta juba,kalagooys kadib dadbaa lagu,tilaaley,taasi too late cayaa kunoqanay maalintaas talaalka cayaa larabey in aan ka hadalno ma dhicin,maanta dhuulkii daaruud qeybshey cayuu rabaa hawiye inlawadaaqaan,adiguna laqaa dhigo,lah dhuwaay qabsadey,meesha,kii ethopia ka yimid maamulkiisa waa la ogolyahay kan bari ka yimd maamulkiisa waa la,ogolyahay,ka kayimid maamulkiisa ,waa la ogolyahay,adigu maxaa kuu diidey,waa nacasnimo D/M,SINCE 1960,LUGOOYSMO,lagu soo haayey,laakiin hadda cay dareemeen haddakooyne,ha dhamaato,intafalaaqaqada ah qabta caayda ka daaye soo xeregelsha dadaal dheere gelsha waa soo laaban doonaan ish,alaah

  2. Digil iyo Mirifle Sh/hoose baa dhacsan waydeen Kolkas baad Jubaland oo shabaab garaacday dawlada federalka meel ku xidhay doonaysan in baydhabo la hoos keeno. sixir miyaa ku keenaysan ,Xoog iyo siyaasad idinkuma ogiye.Caqligu ha shaqeeyo walaalayaal. Waqtigu yaana inaga lumin ee 3da Gobol aan dhisano. Riyadu ma Fiicna

  3. waxaan marka Hore Hambalyo iyo Baogadin u Dirayaa madaxweyne Nuunow iyo Golihiisa wasiirada oo ah Dad aad u Degen xilka masuulnimana aad ugu xel Dheer Lakiin waxaan Layaabanahay Munaafiqnimada Dadka Qaarkiis oo rer arladina u dhasheen xadana modid in Gobolada dhexe iyo Garowe ay ka kimaadeenmunaafuq adunyana laguma amaanin aaqira warkeda Daa mida kale aan rabo in aan iftiimiyo in leyla arkana aan rabo sucaasheydana leyga Jabaabo u Bahanahay
    Jawaari baydhabo war waliba maxaa u Tagaa xasan sheeq oo Dalka ka maqan? iyo asagoo sihayaha madaxweynaha Dalka ah.. waa sucaal dac weyn oo madaxa Dalineysa Reer konfur Galbed ogaada in aan idin Haysan Habiye & Daarood midna ee idin hastaan Dhaqar qabayaal dhulka iyo dadka kula shegta saarsanta ah iribtooda danbena hadii la raaco meel madow ku geyneyso qofkuu Dono Ha ahaado Guushiina waxa ka dhiman kaliya in kuwaan mel iska saartaan adkeysataan Gobonimo waa Loo dhintaa karaamada & dadnimadana waa waxa kaliya bani aadanka lagu khadariyo k/ Galbeed Guul

Comments are closed.