Dhegayso..Xoolo dhaqato Abaaro darteed uga hayaamay Gobolka Gedo oo ka Cabanaya Xanuuno soo wajahey Xoolahooda.

0
162
xoolaIyadoo marba marka ka dambeysa ay ka sii dareyso xaaladaha abaareed iyo mida Biyo la,aaneed ee ka taagan Gobolka Gedo ayaa abaartaasi oo galaafatey nolosha dad iyo duunyaba waxay sababtey in kumanaan Qoys oo xoolo dhaqato reer guuraa ah bilahii ugu dambeeyey ay u hayaamaan Gobolada Jubbooyinka iyo Sh.Hoose,si intii ka hartey Xoolahii ay dhaqaneyeen ay ugu helaan biyo iyo baad.
Xoolo dhaqatada gaartey Goboladaasi ayaa xilligan waxay ka cabanayaan xanuuno la soo dersay xoolo u badan Geell iyo Lo,kuwaasi oo qaarkood la sheegay in ay u le,deen Xanuuno lagu sheegay Qarax iyo baal oo xoolaha soo ridanaya luguna arkey Goboladaasi,iyagoo sheegay inaysan jirin wax Daawo ah oo lagula tacaalo Xanuunadaasi faraha ba,an ku haya Xoolaha.
C/haahi Diiriye oo ka mid ah dadka Xoola dhaqatada reer guuraaga ah ee Gobolka Gedo oo Wareysi siiyey Warbaahinta Wadajir ayaa sheegay xaalada nololeed ee Xoolo dhaqatada  Gobolka ee bilo ka hor u hayaamay Gobolada Jubbooyinka iyo Sh.Hoose in ay taagan tahay meel halis ah,isagoo sheegayna maalmahii ugu dambeeyey Tiro xoolo u badan geel iyo Lo in ay u le,deen Xanuuno ay ka mid yihiin Qarax iyo Baal.
“Inkastoo Gobolka Gedo weli ay ka taagan tahay dhibaatooyinka ka dhashey abaarta,islamarkaana xoolo dhaqatadu waxay islahaayeen deegaanadaasi waxaad ka heli kartaan biyo iyo baad,balse xaalada noogu daran xilligan waa xanuunadaan,waxayna xoolo dhaqatadu ay ka fakirayaan sidii ay ugu gudbi lahaayeen deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Bay sidaasi waxaa yiri Cabdulaahi Diiriye oo ka mid ah Xoolo dhaqatada Gobolka Gedo.
Halkan ka dhegayso