Col Cabdurahman Tuuryare oo Loo Magacaabey Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka

0
24

tuuryareGolaha wasiirada xukuumadda Somalia ayaa taiyaha ciidamada nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka u magacaabay Col. C/raxmaan Maxamuud Tuur-yare, kaddib markii madaxweyne Xasan uu shalay aqbalay xil ka qaadistii agaasimihii hore ee nabadsugidda Qaranka, C/llaahi Sanbaloolshe.

Wasiir-ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa kaddib markii uu soo dhamaaday shirka golaha wasiirrada wuxuu la hadlay saxaafadda, isagoo sheegay in goluhu isku raacay magcaabidda taliyaha ciidamada nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

“Golaha wasiiradu waxay isku raacay magcaabidada taliyaha taliyaha nabad-sugidda iyo sir-doonka Qaranka oo loo magcaabay, Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayuu yiri Colaad oo shirka kaddib la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenku wuxuu hadalkiisa ku daray. “Waxaa xusid mudan in magacii agaasimaha hay’adda meesha laga saaray laguna bedelay taliyaha ciidamada nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, magacaas ayaana loogu yeeri doonaa.

Ugu dambeyn, golaha wasiirradu waxay kulankooda maanta oo ahaa mid aan caadi ahayn ay uga doodeen amniga qaranka iyo hidise sharciyeedka Biyaha dalka.

 

Daafeet.Com