In Ka Badan 20 Ruux oo Oon Dartii Ugu Dhintey Deegaanka Qoryaale ee Gobolka Gedo

0
29

biyo garIn ka bada labaatan ruux ayaa oon dartii ugu geeriyootay degaano hoostaga degmada Luuq ee gobolka Gedo sida ay sheegeen maamulka degaanka.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Luuq Mahad Aadan ayaa ku warramay in degaanka Qoryaale oo Luuq u jirta 50km ay ku dhinteen 18 qofood labadii maalin ee la soo dhaafay kaddib markii ay waayeen biyo ay cabaan.

Mahad ayaa ugu baaqay dowladda iyo hay’adaha inay gargaar la gaaraan dadkaasi oo cunto yarida heysa ay u dheer tahay biyo la’aan kaddib markii ay daaheen roobabkii.

Sidoo kale xoolo badan ayaa ku dhamaaday degmooyinka koonfureed ee gobolka Gedo.

 

Daafeet.Com