Dhegayso..Labo Qof oo Oon iyo Macluul ugu geeriyoodey Tuulada Dhaso ee degmada Ceelwaaq

0
107

biiyIyadoo ay ka sii dareyso xaaladaha abaareed iyo mida biyo la,aaneed ee ka taagan deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Gedo ayaa saacadahii ugu dambeeyey waxaa la xaqiijiyey in ay labo ruux Oon ay ugu geeriyoodeen Tuulada Dhaso oo ka tirsan degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,islamarkaana 80 km kaga toosan dhanka waqooyi bari sida warbaahinta Wadajir uu u xaqiijiyey Faarax Macalin Bishaar oo ah Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Abaaraha degmada Ceelwaaq.

Faarax ayaa waxaa uu intaasi ku darey abaaraha iyo biyo la,aanta taagan in ay keenntay dadka iyo duunyadaba in ay u dhintaan Oon iyo gaajo,isagoo sheegay haddii xaalada ay sidani ku sii socoto in dad kale ay u dhiman doonaan macaluul iyo Gaajo,waxuuna ka digey haddii aan gargaar bini,aadinimo aan la helin in xaaladu ay ka sii dari doonto.

Ma jirto ayuu yiri ilaa iyo hadda gurmad bini,aadinimo oo lagu badbaadinayo kumanaanka qoys ee waxyeeladu ay ka soo gaartey abaarta iyo Biyo la,aanta ka taagan Gobolka Gedo,waxuuna ka Codsadey hay,adaha samaflka,Jaaliyadaha iyo Ganacsatada in ay u gurmadaan dadka ku dhibaateysan Gobolka .

Halkan ka dhegayso

Guddoomiyaha guddiga abaaraha Ceel-waaq 26-09-2014

Ku dhegayso Moobilkaaga