Ciidamada Amisom iyo Kuwa Dowlada oo Ku Wajahan Degmada Cadale

0
37

amisomCiidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa saaka u dhaqaaqay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolkaasi.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay ku dhaw yihiin Degmada Cadale oo dhacda wadada dhanka Xeebta Xigta ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Cadale oo Shabeelaha Dhexe ka tirsan, waxaa maamula oo ku sugan ciidamada Ururka Al Shabaab oo muddo maamulaayay halkaasi.
Taliyaha ciidamada Milateriga ee Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha hoose Generaal Qaafoow, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada saacadaha soo socda ay qaban doonaan Degmada Cadale.

 

 

Daafeet.Com