WALAALAHA MUXSINIINTA QURBO JOOGTA OO DHARKII CIIDA CARAFA AGOONTEY KAFALADOODA QADEEN LOO QAYBIYEY

0
79

DSCN2306Iyadoon mugdi lagelin Karin waxqabadka Muxsiniinta qurbojoogta ah kuna bahoowey Naadiga NBB si ay samafalka iyo wanaaga Agoonta baydhabo Aragti mideysan oo ay ku hormariyaan inta loo gargaaro kuwa ugu mudan
ee Agoonta ah.

Hadaba waxaa maanta 12caruur Agoon ah oo ay isugu jiraan wiilal iyo Wabdho dharka Ciida Carafa usoo dhiibey Ilaahay ha xafidee Walaasheena Muxsinada ah Drs.Haredo Ibraahim Bolis oo Toban Caruurtani ka mid ah
horey u kafala qaadey waxbarashadooda waxaana Alle S/W ee u sugnaatey Keligii in lacaabudo uga baryaynaa iyada iyo Caailadeedaba inuu Nabi Muxamad NNKH Janada Deriskooda ka dhigo.

Sidoo kale Walaalkeena Muxsinka ah Mudane Cismaan Maxamuud Jicmaale oo isna horey Agoon Wiil iyo Gabar ah kafaladooda waxbarasho Qaaday ayaa maanta dharkoodi ciida usoo dhiibey ,Walaal Cismaan waxaa lagu xasuusta inuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee bilaabey kafalad caruurtani inuu ka qayb qaato maanta wuxuu noqdey kuwa ugu horeeya ee caruurta uu kafaldooda qaaday Ciidul Carafana si farxadleh ku ciidan waxaan Eebe uga Baryaynaa walaal Cusmaan Maxamuud Jimcaale siduu khayrka ugu degdegey in Ilaahayna kuwa maalinta aan harka lahayn Ebe harkiisa
dejiyo.

Waxaa kaloo Xusid mudan in Walaalaha XASAN BIRKAAN ee kala ah XAAWA XASAN BIRKAAN IYO NUUTO XASAN BIRKAAN Ilaahay hawada xafidee ay maanta Arad bixinta Ciida Carafa Toban cunug qarashkii lebis looga dhigi lahaa ay soo dhiibeen hadduu ilaah idmana Berito aanu idin soo bandhigi doono.

Sidoo kale waxaa Muxsiniinta Qurbo joogta ah ee horey u Kafalad qaadey caruurtii Agoonta ahayd ka codsanaynaa iney Arad baxii Ciida Carafa oo waxyar ka dhiman iney soo dedejiyaan.

Ugu danbeyn waxaa maanta kafalad waxbarasho ooh al gabar ah soo dhiibtey walasheena Muxsinada ah Sacadiya Hamiid Sheekh oo joogta Australia ,waxaana gabadheedu noqotey labada wiil ee kaba caseeyaha ah ee Walasheena Drs.Hareda Kafaladooda qaadey kabadha la sawiran.

ALLOW INTII AGOON UGARGAARTA ADUUN IYO AKHIROBA CIZEEY Amiin

DSCN2305

DSCN2306

DSCN2319

DSCN2313

DSCN2318
Wakiilka NBB Baidao Bashiir Maxamed Aden