Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Sacid Jaamac Qorsheel oo Soo Gaarey Dalka Canada

0
22

QoorsheelWasiirka Wasaarada Duulista hawada ee Xukuumada Somaaliya Sacid Jaamac Qorsheel oo ku sugan Dalka Canada ayaa waxa uu ka qeyb galaya Shir loogu hadlayo sidii Hawada Somaaliya loogu soo wareejin lahaa Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wasiirku waxa u sheegay ay muhiim tahay in hawada Soomaaliya lagu soo wareejiyo dowlada ayna ku dadaalayaan arrintaasi sidii lagu hirgelin lahaa rajo wanaagsan ayuuna ka muujiyey in ey hirgeli doonto dhawaan in lagu soo wareejiyo xukuumada federalka.

Wixi ka dambeeyay burburka dowladii dhexe ka dib waxa hawada Soomaaliya laga Maamula Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya waxana Maamula Hay’ado shisheeyo.

Ma aha markii ugu horeysey ee uu wasiirku soo gaaro dalkan canada si uu u xaliyo arimahan ku saabsan hawada dalka somaliya, Kulankan ayaa wuxuu ka furmi donaanaa maalinta berito dalka canada.

Daafeet.Com