General C/risaaq Khaliif Cilimi oo Ka Warbixeyey Halka Ay Marayaan Howlaha La Dagalanka Alshabab

0
154

abdirisaaq-khaliifAbaanduulaha Ciidanka xooga dalka Soomaaliya Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa ka warbixiyay howlglka Badweynta Hidiya iyo howlgaladii ugu danbeeyay ay ciidamada huwanta ay ka sameeyeen deegaano iyo degmooyinka ka tirsan Sh/dhexe.

Gen. C/risaaq Qaliif Cilmi ayaa warbaahinta Dowlada u sheegay in howlgalka uu si xowliya uga socdo gobolka Sh/dhexe, wuxuuna iclaamiyay in shalay oo kaliya ay ciidamadu la wareegeen demada Cadale iyo deegaano farabadan oo hoos yimaada.

Gen. C/risaaq ayaa xusay iney ciidamadu shalay la wareegeen degmada Cadale, iyo tuulooyinka kala ah, Xaaji Cali, Caddow-uul, Koogaar, Masaajid Cali guduud iyo Wargaadhi, wuxuuna hoosta ka xariiqay in howlgalka uu sii socondoono, ilaa dalka oo dhan laga xoreeynayo Al-shabaab.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa xalay ilaa iyo saakay ka wada degmada Cadale baaritaan ay ku sheegeen inay ku xaqiijinayaan amaanka guud ahaan degmadaasi.

Daafeet.Com