Daawo:-Muxsiniin Qurba Jooga Ah oo Ka Farxiyay Agoontii Aradaneyd

1
26

agonWaxaa markii labaad muxsiniinta qurbo joogta ah ay dharka CIIDUL-ATHXA ALMUBAARAK ugu deeqeen Agoon isagu jirta Wiilal iyo Gabdho  oo tiradadooda tahay 15 .

Waxaa 10 cunug oo isagu jira wiilal iyo Gabdho kaga farxiyey Muxsiniinta aan marwalba u kala harin samafalka Alle S/w loogu dhowaado,ee ka soo wada jeeda Duriyada Ilaahay ha u naxariiste ILMA XASAN BIRKAAN.

Sidoo waxaa ka farxinta Agoonta ku weheliyey Lamaanaha Ixtiraamka mudan marwalbana ka qayb qaato wanaaga iyo hormarinta inta dhiban lana kala yiraahdo Mudane Axmed Maxamed iyo Marwo Fardowza Cali Jimcaale oo degan Canada Toronto waxayna ka farxiyeen wiil iyo Gabar oo horey Kafaladooda waxbarasho dhabarka u dhigteen.

Waxaa kaloo xusid  mudan Muxsinka la yiraahdo mudane Mursal Cali Furso oo degan UK –London oo ahaa qofkii labaad ee kafalada Agoonta markaanu muxsiniinta usoo bandhigney wiil iyo Gabar kafaladooda qaaday maantana dharka ay kula ciidi lahayeen caruurta facooda ah ee abayashoodu nool yihiin Alle S/W dartiisa ugu soo dhiibey.

Waxaa kaloon la ilaabi Karin Walaasheena Deeqo Xasan Birkaan oo Agoonkii lixaad Maanta Alle dartii Iskoolkiisa u kafala qaaday wiilkaasi oo ka mid ahaa caseyayaasha aan weli kafalada loo helin ,farxada wiilkaasi marka dareska iskuulka gacanta laga saarey ka muuqatey ma ahan midan qoraal kusoo koobi karro.

Ugu danbeyn SAMAFALAYAASHA AAN KOR KUSOO XUSNEY, KUWII HORE IYO KUWA DHIMAN EE AAN KA FILEYNO UGARGAARIDA AGOONTA INTA ILAAHAY GACANTOODA WAXKA BADAN GELIYEY KU IMTIXAANAN INUU RABITAANKOODA SAALAXA AH  UU U YEELO ALLAHA AWOODA KELIGIISA U SUGNAATEY AMIIN.

1 COMMENT

  1. ilaah kheyr iyo xasanaad ha idin siiyo dadka qurba joogta ah ee u gargaaraya walaalahooda ciida…waxaan rajeynayaa in ay idinku deydaan dadka rer k/galbeed ee jooga dibada..inshaallah

Comments are closed.