Deg=Deg Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada oo kusii siqaya Degmada Sablaale

2
93

sablaaleCiidammada reer Afrika ee ku howlgala magaca AMISOM iyo Ciidamada Dowlada ayaa waxay saaka gacanta ku dhigeen deegaanno iyo tuulooyin cusub oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose gaar ahaana hoostaga degmada Sablaale gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidammada AMISOM iyo Kuwa Dowlada ayaa si nabadgelyo ah waxay ku soo mareen tuulooyin badan oo ku heeran dgmada Sablaale iyadoo dadka deegaankuna ay ku waramayaan in Ciidamada Shabaab ay kasii baxeen habeen-nimadii xalay kadib kolkii ay ka war heleen duulaanka Huwanta sidoo kalena ay dadka Shacabka ah kasii qaxayaan degmada Sablaale.

Degmada Sablaale ayaa waxay noqonaysaa degmadii ugu danbaysay ee gobolka Shabeelaha hoose ay Shabaabku ka arimiyaan iyadoo horayna looga saaray Shabaabku degmooyinka Marka,Barawa,Qoryooleey,Kurtunwaareey,Awdheegle,Afgooye,Wanlaweyn,Kasaaristoodana waxay noqonaysaa in guud ahaan gobolka Shabeelaha hoose laga wada xoreeyay Shabaabka.

Degmada Sablaale ayaa waxaa deegaan ahaan u wadaaga beelaha Jiido,Iroow,Tuni iyo Biyomaal oo intuba leh Jareer iyo Jilic,Sidoo kalena Sablaale waxay xuduud la leedahay gobolka Jubada dhexe oo laga yaabo kasaarista Shabaab ka dib inay isku farasaaraan ciidamada Beelaha kaga soo wada foolan dhinacyada Jubada hoose(Daarood),Baay(Raxanweyn) iyo Shabeelaha hoose(Hawiye)

2 COMMENTS

  1. ??? waxaan u maleeyaa in aad ka soo jeedid dadka dhul boobka ku jiro ee u adeega hawiye ee ka tirsan qoomiyadda digil iyo mirifle waxaana marna run aadan ka sheegin in degmada sablaale aysan lug ku lehayn hawiye iyo biyamaal intba
    dhulkaasna ay ab iyo isir uleedahay beel weynta jiiddo waxaana ay soo dejisay walaal keeda ciroole markii uu soo xumeeyaya dabare oo ay wada dhashaan layskuna yiraahdo maatay labadooda
    tuni iyo jiiddo waxay lee yihiin xuduud iayagana way og yihiin waayo degmada sablaale waxay ka tirsanaan jirtay baraawe iyadaana degmo ahaan ay hoos tagi jiratay maamul ahaan jiido ito tunina waxaa ka wada dhexeen jiray daemada baraawe
    jiidana waxay ka kuxigeenka duqa magaalada ee baraawe

Comments are closed.