Magaalada Baardheere oo looga dhawaaqey Gudiga Gurmadka Abaaraha.

1
64

abaarIyadoo Marba ka dambeysa ay ka sii dareyso Abaarta daran ee ka taagan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa markii ugu horeysay mudo ka badan ilaa 3 sano waxaa gudaha magaalada Baardheere looga dhawaaqey gudiga Gurmadka Abaaraha.

Ku dhawaaqida Gudigan ayaa waxaa uu ka dambeeyey kulamo maalmahii u dambeeyey Gudaha Magaalada Baardheere ay ku lahaayeen Odyaasha dhaqanka,Ganacsatada,Aqoonyahanada ,Culama udiinka iyo Waxgarka deegaanka,kuwaasioo ka wada hadlayey sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaarta sida daran u saameysay.

Gudiga gurmadka abaaraha degmada Baardheere oo ka kooban ilaa 7 Xubnood ayaa u howgeli doona sidii gurmad Bini,aadinimo loola gaari lahaa dadka ay sida ba,an u saameysay Abaarta ka taagan Gobolka,waxayna kala yihiin Magacyadooda iyo Telefonadooda.

1-Cabdulaahi Maxamed Cismaan(C/laahi Fanax)    Tel-0025261-5546341 iyo 0025261-7433331
2-Aden Xasan Xareed                                                          Tel-0025261-5812915
3-Cabdi Nuur Maxamed Magan(Afdheere)                Tel-0025261-5131376
4-Cali Saalax Xasan                                                              Tel-0025261-5243905
5-Aden Yoonis                                                                      Tel-0025261-5812797
6-Ugaas Salaad Xasan
7-Maxamed Cali

Ugu danbeyntii,Gudiga gurmadka Abaaraha degmada Baardheere ayaa ugu baaqay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa, hay’adaha gargaarka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed inay sida ugu dhaqsiyaha ugu soo gurmadaan dadka la daala dhacaya abaarta,islamarkaana gacan ka geystaan sidii dadkaasi loo samata bixin lahaa.

Abaaraha iyo Biyo la,aanta ka taagan Gobolka ayaa saameyn ku yeeshay guud ahaan dadka iyo duunyada,waxaana dadka qaarkii bilaabeen inay barakacaan iyagoo nolol raadinaya.

Axmed Cumar Saalixi
Baardheere/Gedo
Saalixi225@hotmail.com

1 COMMENT

  1. BAARDHEERE MA AHAN MAGAALO ABAAR SHEEGAN KARTO, MAXAA YEELEY WEBI AYAA DHEX MARA, WAANA MEEL KHEYRAAD BADAN LEH.

    KUWA DOONAAYA INEY MAGACA ABAARTA KA FAA’IIDAAN HA OGAADAAN INUU ILAAHEEY LA SOCDO CAMALKOODA.

Comments are closed.