Madaxweynaha Dowlada Federalka oo Soo Dhaweeyey Hishiiskii Xukuumada Iyo Maamul Goboleedka Puntland

0
25

xasanMadaxweynaha dowlada Soomaaliya mudane Xaan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay saxiixa heshiiskii dhex maray dowlada Soomaaliya iyo maamulka goboleedka Puntland,kaasi oo dhigayay in dib loo soo celiyo xiriirka labada dhinac iyo in si wada jir ah looga shaqeyo sidii loo dhisi lahaa dal federal ah.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa loogu mahad celiyay looguna hambalyeyay cid kasta oo gacan ka geysatay saxiixa heshiiskaasi.

“Waxaan soo marnay sanado badan oo dhib badan,wada hadal dhex mara soomaalida ayaa ah wadada horey loogu socon karo,taasi oo xaqiijineysa Soomaaliya oo nabad ah islamarkaana degan”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

“Waxaan aqoonsanahay guusha ay Puntland gaartay 16-kii sano ee la soo dhaafay,iyadoo xoojisay,islamarkaana dhistay hay’ado awood leh,Puntland wax badan ayey ka geysan kartaa dhisidda Soomaaliya oo awood leh,dimoquraadi ah,islamarkaana mideysan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay horumar weyn laga sameeyay siyaasada Soomaaliya,laakiin loo baahanyahay in wax badan la qabto.

Madaxweynaha ayaa yiri“ Hiigsiga sanadka 2016 waxaa qeyb ka ah arrimo badan oo wax ka bedeli doono siyaasada Soomaaliya,todobaadyada soo socda waxan rajeynayaa in horumar laga sameyn doono qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin sameynta gudiga xuduudaha iyo federaalka iyo gudiga doorashooinka”.

 
Daafeet.Com