Madaxweynaha oo Iska Fogeeyey In La Taliyeyaashiisa Ay Gacansaar La Leeyihiin Alshabab

0
25

XASAN SHIIKHMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa sheegay inuusan jirin ruux la-taliye u ah oo xiriir la leh Al-shabaab, hubka dowladdana u weeciya, isagoo sheegay in ruuxa eedeyntan loosoo jeediyay uusan la-taliye u ahayn.

Guddiga daba-galka cuno-qabteynta hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea ayaa warbixin ay dhawaan soo saareen ku sheegay in nin lgau magacaabo, Muuse Xaaji Maxamed Ganjab oo la-taliye u ah madaxweyne Xasan Sheekh uu xiriir dhow la leeyahay Al-shabaab, hubka dowladdana gacanta u geliyo.

“Ninka aad ku magacowday Muuse la-taliye ii ah, mana jiro ruux ka mid ah la-taliyeyaasheyda oo xiriir la leh Al-shabaab, waan been in hubkeenna loo gacan-geliyo Al-shabaab,” ayuu madaxweyne Xasan u sheegay Reuters.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa u sheegay Telefishinka France 24 in uusan aamin-sanayn in eedeyntaas ay ka timid hay’adaha Qaramada Midoobay, balse ay kuwo si gaar ah loo sameystay.

Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan daba-galka hubka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixin sannadkan ay kasoo saareen Soomaaliya ayaa waxay ku sheegeen eedda loosoo jeediyay Muuse Ganjab, musuqmaasuqa baahsan ee dowladda Soomaaliya ka dhex-jira iyo in hubka dowladda lagu iibiyo laba suuq oo ku yaalla Muqdisho.

 
Daafeet.Com