Banaanbax Looga Soo Horjeedo Ciidamada Jabuuti oo Maanta Ka Dhacay Degmada Baladweyne

0
40

bananbaxBannaanbixii ugu weynaa ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, dibadbaxan oo looga soo horjeedo ciidamada Jabuuti.

Shacabka degmada Baladweyne ee dibadbaxa ka qaybgalaya ayaa waxay ku eedeeyeen ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM inay mas’uul ka yihiin dagaallada Deefoow oo dhowr jeer soo laalaabtay, waxayna bannaanbaxayaashu sheegeen ay sidoo kale ciidamada Jabuuti weerareen deegaanka Ceel-gaal ayna dhaawacyo ka geysteen.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo taliska ciidamada AMISOM ee ay Jabuuti ka tirsan yihiin weli kama hadlin arrintan, iyadoo dibadbaxyadan ay sababeen in magaalada oo dhan ay kala xiranto, sidoo kalena ay istaagaan ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Bannaaban ayaa xayiray ganacsiga, isku socodka dadka iyo gaadiidka, sidoo kalena waxaa go’an korontadii magaalada.

 

 
Daafeet.Com