SIYAASIYIINTA GOBOLADA DHEXE OO SI CAD UGA SOO HORJEESTAY IN GOBOLKA MUDUG LA KA QEYBIYO IYO SIYAASIYANTA QAAR EE DM OO DADAAL UGU JIRA IN AY LUMIYAAN SHAN IYO TOBAN DEGMO

0
90

Qormadii: Abdulkadir Abukar Sheikh

cabdulqaadir-unicefMagaalada Garoowe ee caasimmadda maamulka Puntland, waxaa maalintii talaadadii13 Oktober 2014 heshiis ku gaaray dolwadda Federalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland. Qodobada heshiiskaas, gaar ahaan qodobka koowaad farqadiisa seddexaad, (1.3) ayaa waxaa ka mid ahaa, in gobolka mudug lookala qeybiyo Maamulka Puntland iyo kan Gobolada Dhexe, ee hadda gacanta lagu hayo dhismihiisa.   Hase yeeshee, heshiiskaas waxaa si cad uga soo horjeedstay inta badan maammuladda iyo siyaasiyiinta ka tirsan Gobolada dhexe, sida Maamulka Galmudug, Maamulka Xubin iyo xeeeb iyo Ururka Ahlusunna Wal Jamaaca.   Waxaase heshiiskaas soo dhaweeyay islamarkaasna ogolaaday in Gobolka Mudug la kala qeybiyo Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoodobay ee Somaliya, Mr. Nickolas Kay. Mr. Kay waxa uu hesiiskaas ku tilmaamay mid guul ah.  Goor dambe, waxaa heshiiskaas taageray Madaxweyne Hassan Sheekh, oo ku heshiiskaas ku tilmamay wax wanaagsan in la heshiiyo iyo in in hore loo sii mariyo heshiiskaas.

Laakiin hadii aan ka hadlo muhiimadda maqaalkeyga, dhibaatadaas ay ka qeyliyeen siyaasiyiinta gobolada dhexe mid ka xanuun badan, ayaa dowladda Federalka iyo Wakiiilka Xoghayah guud ee Qaramada midooday ay Somaliya ay hore uga geysteen gobolo ka mid ah Somaliya, gaar ahaan Koonfur galbeed Somaliya. Sidaan la socno bishii Maarso 24, 2014, waxaaa magaalada Muqdishu lagu saxiixay heshiiis lagu kala qeybiyay maamulkii lixda gobo ee Koonfur galbeed, oo mudo hal sano iyo dhowr bilood loo fadhiyey magaalada Baydhabo.   Inkastoo qiyamadaas qaran oo ay dowladda Sheekh u geysatay shacabka koonfur galbeed ay ka dhiidhiyeen inta badan shacabka Konfuur galbeeed. Hadana, nasiiib daro ilaa iyo hadda shirqoolkaan ama dhibaatoyinkan weli waa ay socodaan oo siyasiyiin ka tirsan dowladda Federalka oo ka soo jeeda DM ayaa horboodaya fulinta arimahaas.

Waxaase xusad mudan in Heshiisyadii lagu kala qeybinaayey shacabka iyo dhulka Koonfurgalbeed, uu u dhacay labo hab oo kala duwan. Kii koowaad, waxa uu ka dhacay Addisababa August 2013 kaas oo lagu magacaabay Maammulka Jubba, iyo kii labaadna waxa u ka dhacay Muqdishu bishii March 2014 oo ujeedadiisu ay ahayd, in lagu burburiyo maamulka Koonfur Galbeed ee madaxwyne ka yahay Madoobe Nuunow Mohammed, kaas oo maamulkiisa ku yimid rabitaanka inta badan shacabka Koonfur Galbeed.   Dhammaan shirarkaas qiyaamada ah, waxaa goob joog ka ahaa ama hor boodayey siyaasiiin ka soo jeeda DM, kuwaas oo dad badan ay u arkayeen keliya in ay fiiranaayey Maslaxadooga gaar ahaaneed ee xilligaan siyaadadda ku jira ama ayagaba doonaya in ay siyaasadda hogaamiyaan iyaga oo fulinaya siyaasado iyo rabitaano ka soo horjeeda maslaxaddda shacabka koonfur galbeed.

Marka maanta aniga lama yaabayo, hadii siyaasiyiinta Gobolada dhexe ay u qeyliyaan hal Gobol oo lakala qeybiyay , waayo waxaan u soo joognay Koonfur galbeed oo lix gobol ah, ayaaba dowlada Federalka iyo Wakiilka Xoghayha Guud ee Qaramada Midoobay, Mr.- Nickolas Kay ay ku howlan yihiin in la kala qeybiyo oo la burburiyo wadajirkooda, si ay u fududaato in kheyraadka ku jira dhulkaas loo qeybsado si sahlan.

Markaa waa su´aal aan weli jawaab loo helin, in waxa ku kalifay siyaasiyiinta qaar ee DM in ay seddex gobol ama shan iyo toban degmo oo shacabkooda degaaan ay lumiyaan. Degmooyinkaas oo ka mid ah kuwa ugu qanisan dalka Somaliya.   Mala orankaraa, siyaasiyiinta ka dambeeysa arintaas iyo dadka taageera kala qeybinta koonfur albeed in waxa kala garan la yihiin danaha Qof, Qoys, Qowmiyada iyo mid Qaran-

Waxaa kaloo jira in dhibaatadaan soo noqnoqotay oo ah in inta badan marka uu qof (siyaasi) ka soo jeeda DM uuu qaldamo in Qoyskiisana qaldkaas ku raacaan. Waxaase ku xiga waa Qaraabadii ama Qabiilkii uu ka soo jeedeyna qofkaas qaldamay in iyagana qaladkiisa garab istaagan, oo ay adagtahay in ay ka horyimadaan ama runta u sheegaan. Waxaa xigana waa Qowmiyadii (bulshadii) uu ka tirsanaa siyasigaas qaldamay in mustabalkooda inuu sidaas ku burburo. Arintana ay noqto sanad kasto in weel daloolo in aan biyo ku shubno! Markaa mal oran karaa, in Bulshada DM inta badan, waxaan kala garan la nahay danaha Qof , Qoys, Qowmiyad iyo Qaran! (4Q)

Waxaan aaminsanahay arintaas kor ku xusan (4Q) oo ilaa iyo maanta ah in dhibaatada haysataha shacabka KG, gaar ahaan DM oo la la´ yahya qolo ama koox u istaago oo ku guulaysto in ay wax ka qabtaan dhibaatadaan. Waayo, arinta qofka siyaasiga danihiisa ku gaarayo, laguna burburinaayo mustabalka ummada koonfur galbeed, kaas oo noqotay arin soo noqnoqtay, oo ummadda DM aysan cashar ku qaadan wixii shalay, doraad, maanta iyo sannado ka hor dhacay.

Waxaan maqaalkeyga ku soo koobayaa, in siyaasiyiinta ku howlan arimaha kala qeybinta koonfur galbeed, in ay candhuufta dib u liqaaan, oo aysan ummadda koonfur galbeed ka dhex dhegin Derbigii Berliin, ee Jarmalka lagu qeybiyay 1945. Arinta ay wadaan waxbo kama duwana Derbiga Berlin. Fadlan, mar ka hore, intaatan seddex iyo labo aydan ku mashquulin, meel hala saaro, shan iyo tobanka degmo ee xaquuqdeedii lugu dhacay Heshiiskii Addisababa ee Agust 2013. Ma garnaayo, in siyaasiyiinta qaar ay maskaxiyan ay yihiin kuwa u qalmo in ay shaqadaan qabtaan ama lagu aamino. Aniga waxay iila tahay, arintaan waxay la mid thay, qof geedkii keliya uu harsanaayey goynaya, islma markaasna doonyo har ama hoos inuu helo!

Waxan hadalkeyga ku soo gababeynayaa, shan iyo tobonka degmo maqan meel hala saaro, isla markaasna aan kala garano danaha Qof, Qoys, Qowmiyadd iyo Qaran (4Q). Iyo in dhibaatooyinka taagan lagu xalliyo wadahadal iyo in la helo isu tanaasulaad weyn oo ku dhisan in aan lahaano dulqaad iyo bisayl dhinaca maamulka iyo siyaasadda.

 

Abdulkadir Abukar Sheikh

Daladda KG ee Sweden

19 October 2014

sydvast.somaliska@outlook.com