Kulan looga Hadlayo Shidaalka Ku JIra Somaliya Oo Maanta Ka Furmey London

0
26

patrolShir looga hadlayo shidaalka iyo gaaska Soomaaliya oo socon doona hal maalin ayaa maanta ka furmay magaalada London ee dalka Britain, iyadoo shirkan ay ka qaybgalayaan shirkadaha shidaala baara ee caalamka iyo kuwa ka ganacsada.

Wasiirka macdanta iyo shidaalka Soomaaliya, Daa’uud Maxamed Cumar oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso in Soomaaliya laga qodo ceelal shidaal, sidoo kalena wuxuu sheegay inay si dhaqso ah dalka uga howlgalaan shirkadihii shidaalka ee horay heshiisyada loola galayoo ay ka mid ahaayeen Shell, Conoco, Shevron iyo kuwo kale.

Wasiirka macdanta iyo shidaalka Soomaaliya ayaa la weydiiyay su’aal ahayd in qaybo ka mid ah Soomaaliya uu ka jiro colaado salka ku haya shidaalka, wuxuuna ku jawaabay. “Shidaalka Somalia waxaan ku caddeyn karaan laf-jabtay oo si maroorsan u kala baxday, waayo laf-jabtay marka la kabayo xanuun badan ayay leedahay, balse waa loo adkeystaa. Sidaa daraadeed wasaaraddu waxay ku jirtaa sidii ay u hagaajin lahayd oo si saani ah loogu qaybsan lahaa.” Isagoo xusay in cidda heshiiska galaysa ay tahay inay ka fikirto waxa hadhow ka imaan karta.

Agaasimaha shirkadda dalka Britain laga leeyahay ee Som Oil & Gas, Report Sheppard oo isaguna shirka ka hadlay ayaa xusay inay dhawaan soo gaba-gabeeyeen baaritaan ay ka wadeen xeebaha ka baxsan Soomaaliya, isagoo xusay inay baareen 185,000 oo km oo badda gudaheed ah laga soo billaabo xeebaha meelaha ay ku muransan yihiin Somalia iyo Kenya illaa Puntland.

Daafeet.Com