Dhegeyso Xaqdarada:-Suldaanka Beesha Carmo Oo Sheegey In Shirka Ka Socda Magalada Baydhabo Ay Xaqa Beeshiisa Ku Lunsadeen Odey Dhaqameedyada Awdigil

0
28

baydhaboWaxaa qadka telfoonka inagu soo tiigsadey suldaanka beesha Carmo Suldaan Maxamed Carmo Maxamed isaga oo ku sugan magalada baydhabo suldaanka ayaa waxaa uu sheegey in xaquuqdii ay beeshiisa ku laheyd  maamulka gacan ku rimiska ee lagu wado in lagu sameeyo magalada baydhabo laga lunsadey.

Suldaanka ayaa waxaa uu kuu eedeeyey in ay xuquuqdiisa ay lunsadeen qaar ka mid ah odayaasha ka socda beelaha Awdigil iyo wasiirka dhalinyarada iyo isbortiga, Wuxuuna xukuumada iyo International cumunity ka codsadey in la ilaaliyo xuquuqda beelaha dega koonfurta somaliya xaqa ka maqna la siiyo.

Ma aha markii ugu horeysey oo aan maqalno waxa uu ka hadlaayo suldaanka beesha carmo waxaa jira qabaailo kale oo aan deegaankas waxba ku laheyd hada fadhiya madasha uu shirka ka socda taasoo cadeyneysa in dadka aan jecleyn iney dagaalamaan mar walba xaqooda la siiyo kuwa qoriga wax ku maquuniya.

Hadaladii suldaanka ayaa waxaa ka mid ahaa.

 

suldaanka besha carmo

 

Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkada

 

suldaanka besha carmo mobil

 

Daafeet.Com