Madaxweynaha Iyo Reysulwasaaraha oo Khilaafkoodu Cirka Isku Shareerey

0
24

xasan iyo cabdiMadaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa, C/wali Sheekh ayaa kulan ay xalay ku yeesheen Muqdisho isku fahmi waayay isku shaandheynta lagu sameeyay golaha wasiirrada xukuumadda Somalia, taasoo uu si rasmi ah saakay ugu dhawaaqay ra’iiul wasaaraha Soomaaliya.

Warar hoose ee la helayo ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ku kala tageen kulankooda, kaddib markii C/weli Sheekh uu ku adkeystay inuu isku shaandheynayo golaha wasiirrada, taasoo uu si adag u diiday madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu soo jeediyay in isku shaandheynta ay noqoto mid guud oo golaha wasiirrada lagu sameeyo, ayna dhacdo marka laga soo laabto shirka Soomaaliya loogu qabanayo Denmark, taasoo uu diiday ra’iisul wasaare C/weli.

Kala fikir duwanaashaha u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhowr jeer soo laalaabtay, iyadoo madaxweynuhu uu ka sheegay qalabka warbaahinta bishii hore inay jirto kala fikir duwanaan u dhexeysa iyo ra’iisul waasarihiisa.

 
Daafeet.Com