War Deg Deg Ah Qarax Xoogan oo Kol Dhaweyd Ka Dhacay wadada Maka Al Mukarama ee Magalada Muqdisho

0
24

breaking nQarax geystey dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu kol dhaweyd ka dhacay jidka muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, kaasoo ka dhashay gaari waxyaabaha qaraxa lagu soo xiray.

Qaraxan ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku dhinteen 4 ruux 6 kalana ay ku dhaawacmeen.

Gaariga ayaa ku qarxay afaafka hore hoteel Golden ku yaalla isgoyska Shaqaalaha oo kasoo horjeeda guriga Shaqaalaha oo xarun u ah waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada amniga dowladdu ay gacanta ku dhigeen darawalkii waday gaariga qarxay, iyadoo aan la ogeyn in gaariga uu yahay mid lagu soo xiray qaraxa iyo mid lagu talo-galay.

 
Daafeet.Com