Cali Maxamed Aadan (Cali Beer-beer) oo Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

2
54

cali beerbeerAllaha unaxariistee Waxaa xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho Cali Maxamed Aadan (Cali Beerbeer) oo ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn looga yaqiinay dalka Soomaaliya gaar ahaan Koonfur Galbeed.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Hotel lagu magacaabo Mubaarak oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Xiriir goordhow aan la sameynay mid kamid ah Wiilashiisa ayaa inoo xaqiijiyay in looga soo booday Wadnaha abaarihii Kowda Habeenimo, daqiiqado kadibna uu geeriyooday.

Maxamed Cali Beer-beer oo kamid ah Wiilasha Marxuumka uu dhalay ayaa sidoo kale inoo sheegay in meydka Marxuumka loo qaadi doono Magaalada Baydhaba.

Allaha unaxariistee Marxuum Cali Maxamed Aadan “Beer-beer” ayaa  kamid ahaa Hogaamiye-yaashii Ururkii RRA waxaana uu sidoo kale Xubin Firfircoon ka ahaa Guddiga Dib u Heshiisiinta Soomaaliya.

 

 

Dafeet.Com

2 COMMENTS

  1. Inaa lillaahi wa inaa illeehi raajicuun waxan u tacsidenayaa. Aheladii iyo qarabadi iyo umada reer konfur galbeed uu ka geeriyoody samir iyo iiman allaah kasiyo Aamiin Aamiin ,… Aamiin

Comments are closed.