Banki Moon oo Maanta Soo Gaarey Magalada Muqdisho

0
70

bankiWafdi uu hoggaaminayo xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-Moon ayaa Muqdisho soo gaaray goor dhow, iyadoo wafdiga uu ka mid yahay guddoomiyaha bangiga Adduunka.

Xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha AMISOM ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo ammaanka meelaha ku dhow garoonka aad loo adkeeyay.

Ban Ki-Moon ayaa lagu wadaa inta uu Muqdisho inuu kulammo kala duwan la yeesho madaxda dalka, iyadoo kulammadan looga hadli doono sidii lagu gaarsiin lahaa Soomaaliya nabad iyo dowladnimo waarta.

Imaanshaha Ban Ki-Moon ayaa kusoo beegmaya iyadoo walaac xooggan ay dunidu ka qabto khilaafka u dhexeeya madaxda dalka, kaasoo aan weli wax xal ah loo helin.

Daafeet.Com