Natiijada Codayntii cida ka Mas’uulka ah dhibta reer KoonfurGalbeed haysata.

0
29

 

dooroCod bixintii ay Daafeet.com usoo bandhigtay akhristayaasha bogeedan ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11/13/2014 lasoo gabagabeeyay,Hadaba intii ay socotay codayntan waxaa soo booqday codayntan dad ku dhow 17000 oo ruux iyadoo codbixinta natiijadeediina noqotay sidan.

Waxa ay codbixiyaashu codkooda ka dhiibanayeen su’aasha aan soo bandhignay oo ahayd
YAA MASUUL KA AH DHIBTA HEYSTA SHACABKA KOONFUR GALBEED
Iyadoo sidoo kalena ay u kala codaynayeen cida ay aaminsan yihiin inay mas’uul ka yihiin dhibta shacabka KoonfurGalbeed sida Siyaasiyiinta,Xukuumada Soomaaliya amaba Shacabka.

Natiijada codbixiyaashuna waxay ku soo dhamaatay sidan
MA SIYAASIYIINTOODAA KA MASUUL AH (60%)
MISE XUKUUMADA KA MASUUL AH (21%)
MA SHACABKAA KA MASUUL AH (19%)

waxay ka dhigan tahay in dhibta haysata Shacabka KoonfurGalbeed ay mas’uulayadeeda maanta leeyihiin Siyaasiyiinta sida ay qabaan dadkii codeeyay intoodii badnayd halka tiro aan la dhayalsan karina ay Aaminsan yihiin in Dowladu ay qayb ku leedahay dhibaataynta Shacabka KoonfurGalbeed iyadoo Shacabka laftiisana uu qayb ka yahay dhibta ku dhecayso.

Waxaana hubaal ah in ummad hogaankeeda Siyaasiga iyo Siyaasiyiinta ay lug-goynayaan inay weligeen ayan dhibaato ka baxayn sida xikmaduba tahay”Lang Hor dareershey Kaagoow nagady Bokty aamow ma huraw”Waa inoo kulan kale iyo Codayn cusub.