Daawo:- Wixii Maanta Ka Dhacay Barlamaanka Iyo Dhaqanka Ay Leeyihiin Qaar Ka Tirsan Xildhibanada

0
51

barlamanKulankii baarlamaanka Somalia ee maanta ayaa mar kale furmi waayay, kaddib markii xildhibaannada mooshinka kasoo horjeeda ay billaabeen inay heesaan markii la doonayay in kulanka la furo.

Xildhibaanada fowdada sameeyay ayaa sidoo kale, xarunta lasoo galay boorar ay ku qornaayeen erayo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Qof ama Qaran, badbaadi Qaranka iyo Soomaaliya waa dal xor ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa si caro leh uga baxay hoolka isagoo aan soo xirin kulanka, kaddib markii uu awoodi waayay inuu xildhibananada baarlamaanka ee buuqa billlaabay.

Waa markii labaad oo kulanka baarlamaanka uu u baaqdo buuq ay xubno ka tirsan golaha baarlamaanku sameeyaan, gaar ahaan kuwa kasoo horjeeda mooshinka laga keenay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

 
Daafeet.Com