Dhegayso..Heshiis ay wada gaareen Axmed Madoobe iyo DF Soomaaliya.

0
18

astaanta somalia

Halkan ka dhegayso Unknown Album

Ku dhegayso Moobilkaaga                                                                                                                                                                                                 November 15, 2014

Waxaa booqasho qaadatay maalin ku yimid magaalada Kismaayo wafdi ka socday dowladda Federaalka ee Soomaliya kana koobnaa sidan:-

  • Mudane C/llahi Goodax Barre-wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Federaalka
  • Mudane Mohamed Sheikh – Wasiirka Gaashaandhigga
  • Mudane Hussein Abdi Xalane-Wasiirka Maaliyadda
  • Generaal Abdullahi Ceynte-Madaxa Hogganka Taakuleyna ee Xoogga Dalka

 

Waxaa dhanka maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba uga qeybgalay shirka koox wasiirro ah oo loo qorsheeyey in ay iyaguna ay mataal maamulka Jubba Kuwaas oo kala ah:-

  • Mudane Mohamed Warsame Farah, (Darwiish) – Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga
  • Mudane Maxamed nuur Iftin – Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah
  • Mudane Mohamed Macallin – Wasiirka Xannaanada Xoolaha, beeraha iyo kalluumeysiga
  • Mudane C/qani Cabdi Jaamac – Wasiirka Madaxtooyada Maamulka Jubba
  • Mudane Cabdi Cali Raage – La Taliyaha Madaxweynaha Maamulka Jubba
  • Mudane C/naasir Seeraar Maax – Afhayeenka Maamulka  Jubba

Mabaadida Guud ee laga wada hadlay

Wadahal dhexmaray labada dhinac waxaa diiradda lagu saaray qodobada soo socda:

  • Waxaa la isla meel dhigay in laga sameeyo gobollada hoos yimaada maamulka Jubba Ciidan qaran, oo isu dheellitiran iskuna dhafan lagana soo qoro jubbooyinka oo ay hadda isugu soo urureen nabad diidka Al Shabaab.
  • In maamulka Jubba helo taageero deg deg ah oo dhanka agabka iyo taakuleynta ciidamada.
  • In Guddiyadii wadajirka ahaa ee farsamada iyo arrimaha aminga si deg deg ah uga howlgalaan maamulka Jubba si ay u furdaamiyaan arrimaha kala sooca Ciidamada qaranka iyo diiwaangelintooda.
  • Waxaa lagu heshiiyey in tirada ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalaya maamulka Jubba la qoondeeyo iyo  in xarumahii tababarada ee Jubbooyinka sida luglow iyo meelaha kale ee ay isticmaali jireen hoggaamadii 43aad iyo 60aad dib loo howlgeliyo si ciidamada loogu tababaro.
  • In dib loogu yeero wixii ka haray ciidankii qaranka ee Kenya lagu soo tababary wixii laga heli karo
  • In Ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgelaya maamulka Jubba si deg deg ah loola soo gaaro agabka ciidan maamlmaha soo scoda si howlgalkoodu u sii socdo.
  • In wixii ku saabsan arrimaha Booliiska iyagana laga taageero Ciidamada boliiska ee Jubbaland
  • In xafiiska arrimaha socdaalka si deg deg ah looga yagleelo magalada Kismaayo
  • In hey’adihii taageerayey Booliiska maamulka Jubba loo fasaxo dowladda dhexena ka taageerto wixii kaga xiran.