Labo Shariif Xagee ku dambeeyeen: (Shariif Sheikh Ahmed iyo Shariif Hassan)

1
58

Shariif 2 (1)Waxaan rabaa inaan hadlkaan ku xusso in dowladdii Sharif Sheikh Ahmed (2009-2012), oo uu Gudoomiye Baarlamaa…n ka ahaa Shariif Hassan Sheikh Aadan halka ay ku dambeysay.

Ka dib Madaxweynii hore ee Sharif Sheikh Ahmed markii dowladiisa looga adkaaday, waxa uu go’aansaday inuu siyaasadda ka nasto oo uu waxbarasho u doonto dibedda si aqoontiisa uu u soo kororsado.

Shariif Sheikh Ahmed si aan dhib lahay ayuu ku wareejiyey xukanka, islmarkaasna uusan ummadisa iyo beeshii uu ka soo jeeday uu san wax dhibaato u geysanin oo uu si nabad leh uu u go’aansaday inuu iskaga tago oo ummadiisa u badbaadiyo.

Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Ahmed Waxaa laga yaabaa inuu waddanka ku soo noqdo isagoo wanaag ay u hayaan dad badan oo Somalia ah. Waayo waxaa uu mutaystay sharaf iyo qadarin, inuu xukunka ku wareejiyo.

Laakiin Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Hassan Sheikh Aadan, oo ka soo jeeda beelaha DM, weli waa soo taaganyahay, kuma fakaro inuu lacagta uu heysto uu waxbarsho dibeeda u aado. Laakiin waxaa dhacaday in ummaddii DM ayuu waxa uu ka dhex abuuray dhibaato weyn. Dhibaatooyinka uu abuuray waxaa ka mid ah:

1. Xidhibaanadii DM inta badan ayuu gacanta ku dhigay, oo asaga soo xulay xiligii dowladda la dhisaayey
2. Suldaanadii, ugaasyadaii ama Malaaqyadaii ayuu kala gooyey oo waxa uu abuuray malaaqyo farabada oo waddaniyadda ku yartahay.
3. Dhulkii Koonfur galbeed ayuu kala gooyey, oo uu abuuuray kooxo laaluush ku nool oo ka horyimid maslaxadda ummadda koonfur galbeed.
4. Xataa waxa uu isku dayaa inuu fidno iyo dagaal ka dhex abuuro ummadda walaalaha ah.
5. Aqoonyahanadii Koonfur galbeed, qaar ayaaba xataa uu gacanta ku dhigay, taas oo lala yaaban yaahay sababta ku kaliftay. Kuwaas oo xataa garan waayey meesha uu Shariif Hassan ku wado.
6. Qaar ka mid ah warbaahinta Koonfurgaleed ayaa noqday kuwo asaga u adeega oo markii hore u ololenjiray Dowlad Gobleedka Koonfurgaleed ee lixda gobol.

Dhibaatooyinkaas iyo kuwo kale oo ka daran ayuu hoosta ka wataa Shariif Hassan oo uu u geystay umadda koonfurgalbeed, gaar ahaan DM.

Hadaba, Shariif Sheikh Ahmed waa kaas ummadiisa nabad ku nool,, laakiin Shariif Hassan waxa uu la soo taaganyhay inuu lacagihii uu ka dhacay waddanka ku burburiyo shacabka koonfurgalbeed , gaar ahaan DM.

Waxaase Jawabta tahay, waxaa muuqda in ummadda koonfurgalbeed ay mar uun ka adkaan doonaan, dhibaatada dib u dhaca uu u geystay Shariif Hassan Sheikh Aden. Waana mid aysan hilmaami doonin jiilka cusub ee soo koraayo ee DM, gaar ahaan dhalinyarada hadda wax barashada ku howlaan iyo kuwa shaqa laanta ku haysato dhulkii ay ku dhasheen, sababo maamul baahsan awgeeeda.

 

Cabdi koonfurgalbeed
koonfurgalbeed@Hotmail.com

1 COMMENT

Comments are closed.