DIGNIIN…Shariif Sakiin oo duulaan kusoo ah Jaaliyadaha Digil iyo Mirifle

39
497

 

xasaaWarar lagu kalsoon yahay oo ay Daafeet.com ka soo kala xigatay xubno ka tirsan jaaliyadaha Digil iyo Mirifle ayaa waxay ku waramayaan in Dulaal Shariif Sakiin oo adeegsanaya wax magarato kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle uu bilaabay dhaqdhaqaaq uu ku kala qaybinayo Aqoonyahanka Digil iyo Mirifle ee ku kala nool qaaradaha aduunka iyadoo qaar ka mid ah dadkii uu kala soo xiriiray Waqooyiga Mareykanku ay inoo warameen.

Qaar ka mid ah kuwa inoo waramay ayaa waxay inoo sheegeen in uu Shariif Sakiin uu soo hor dhigay balanqaadyo ku aadan inuu xilal kasiin doono maamulkiisa riyada ku dhisan hadii ay garab istaagaan damaciisa waalan.

Weerarkan qaawan ee Shariif Sakiin ayaa soo gaaray Waqooyiga Maraykanka 24 saac ee la soo dhaafay waxa uuna xiriiro la soo sameeyay qaar ka mid ah aqoonyahanada Jaaliyadaha reer KoonfurGalbeed ee Waqooyiga Maraykanka kana codsaday inay ku soo xiraan isaga jaaliyadaha reer KoonfurGalbeed sidoo kalena ku wargeliyay inay sameeyaan xaflado kharashkoodu bixin doonaan shaqsiyaad uu soo magacaabay oo beelaha Hiraab kasoo jeeda(Habargidir,Abgaal,Duduble ) iyo  weliba Beesha Murursade

Tani waa talaabo la filan karay inuu qaado dulaal kasta oo aan danqasho u lahayn umadiisa kana turjumayn doonistooda door bidayana inuu maalin gelinkeeda siisto masiirka ummadiisa si loo yiraahdo Hogaamiye sida Shariif Sakiin.

Waa dhab in ay Aqoonyahanka KoonfurGalbeed ay ahaayeen kuwii dhisay Istaraatiijiyada lagu unkay Maamulka Lixda gobol ee KoonfurGalbeed waxayna ahaan doonaan kuwo u taagan difaaca iyo ka mira dhalinta maamulkooda iyadoo dhanka kalena ay jiri karaan shaqsiyo magaca Aqoonyahanka KoonfurGalbeed ku qaraabta oo iyaguna haatanba xiriirada Sakiin hor boodaya iyaguna waa hubaal in aan soo bandhigi doono kolka ay inoo buuxsamaan dhamaan magacyadooda iyo kaalimahooduba.

Si kasta oo ay ahaataba Dulaal Sakiin ma ahan markii ugu horaysay ee uu Qawmiyada Digil iyo Mirifle uu la maago dibindaabyo balse su’aali waxay ka taagan tahay sidii ay marar hore u fashiliyeen dibindaabooyinkii Shariif Sakiin oo kale tanina ma fashilin doonaan?.

HADAADAN HORAY U BARAN QAWMIYADA DIGIL IYO MIRIFLE MAANTABA BARO!!!!

39 COMMENTS

  1. Kani qofkii raaca markii horeba aqoonyahan maba ahayn, waayo waa tuug, dalaalnimo ku caan baxay oo shaahil ah.

  2. qofkii digil&mirifle dhibo si xun ayaa u dambeeneesa fircoon haku waanso qaado avocato xaseey sidoo u dhintay qof walbaa isku dayo inoo digil&mirfle khadiyadooda ku tuntaa si xun baa u dambeen donto waa xaqiiqo taas

  3. qainkan ilaah ka furtey dhulkeeni beecinayo dadki masakiinta ahaa ee somliya joogey lacag uu ku wareeriyey nin iska daruufysan lacag loo sheegay uusn waxba diideynin hadana wuxuu bilabay dadki dibadaha joogey in uu kala fur furo jagooyin iyo waxan jirin uu u sheego plz shar wade sakiin ha laga fogado qoriga xaarka ah uu la wareegayo

    • Shariif sakiin waa la iska qaban karaa umada digil iyo mirifle meel walbo haloo Is taago haloo sheego sidii loogu hortagi lahaa ninkaan xukun u waashey aanan leheyn damiiro dadninmo iyo maba oga ninkaan waa nin calooshiisa u shaqeysta ah ilaahey umada haka qabto shariif sakiin hawiye iyo daarood walee meel kuma geynayaan labo maalin waad iska raaci kartaa koleyba been bey ku soo sheegeen gurbaan la so xadey baa lagu so dhiibey intee geyn doontaa.

  4. aniga waxaan la yaabey hawiye shabeelada hoose maxaa ka galey kan wuxuu rabaa oo keliya in bay iyo bakool magu soo koobo.illeen hawiyuubu siiyeye shebeelsfa hoose oo la og yahay iney digil iyo biimaal leeyihiin .

  5. A/s halaysaka qabato khaainka umada kala qaybinayo.kolay ma garanayo asharaaf meel ay ka soo gasho d/m runta aan isu sheegano waxay noo imaadeen iyagoo dhahay culimo ayaan nahay jalamada ay wateen ayaan ugu ridi jiranay hilika ee ku jooga qaxootinimadaada itaan waxaa ku gaarsiiyey walaashey hadii aan ku Dari Lahaina Sidaa Uma badatee kkkkkkkkkkk

  6. saxibiyaal uhogaaseme lacageedkan dadka ay uyaqaaniin sh,sakiin wuxuu ubaahinyahay iska dhicin ee uma baahna habaar ama baryo wuxuu rabaa oo keliya dad laxisaabtama daacad na ka ah hogaaminta digil iyo mirifle marka yaan lagu mashquulin ee maamulka dhisan oo qowmiyada dhisatey halala shaqeeyo

  7. sakiin in laga hortago hadii larawa jawaari xilka halaga qaado maxa yeelay jawaari aa umada hor fadhiya asina wax maqabaso umadiiisa wax uma qabto marka warkiisa cid dhageysataa majirto shariif sakiin aa ka fiican sababtoo sakiin waa qaain alla kafurtay robo inuu anaga nagato marka jawaari aa kasii daran oo xasan culusoow dawa jooga ma aqoonsaneyno ayaa dhekta loogu sheegay hadana waa la aqoonsaday maalin walbana wey shiraaan asi ii xasan sheek marka digil iyo mirifle godoonka baarlamaan haka qaadaano oo haudhiibtaano nin sida yaanyuuroow cml eh kaasaa uqalama inuu anaga namatalo

  8. Aan kala saarno walaalayaal waxbarasho iyo damiir. – qofkii Ilaahay labadaba ku maneysto la mid aha qof mid keli ah haysto. – waxaan u baahannahay dhawr shakhsi oo damiirna leh waxna bartay. Sh. Sikiin labada sifood midna Ilaahay uguma deeqin. Sidiisaba was Asharaaf ee maahan Digil iy Mirifle. SC

  9. Asc waxaan salameya dhamaan umada kasojeda konfurgalbed meelkasto ayjoogaan marka hore waxan idinshegeya xadaanunaxay D.m lainooma ogola inaanudhisano waxmaamul ah ooloowadadhanyaxay

  10. Ninkaan hadeeysan DM iska qaban oo kuwakel ku quus qaadanin walaahi waa sharaf daro. Ninkaan waa in la dilaa.

  11. asc,waryaada dadkiina hadalka badan markasta ka hadala Hawiye & Madaxweyne K/G Shariif Xasan SH.Adan ixtiiraam ayuu muudan yahay war ninkaan wa nin Hawiye Digil/Mirifle shaqa ku malaha Shabeelada Hoose wa Dhul Hawiye war Dikil/Daame SHariifka wa ninkaa ku amminay shariif wiligaa haay geesi baatahay faariid Rag rag dhalay waan ku garab taaganahay noolow

    • Faarax adiga inaad inta ka hadasho makuu banaano xaaraan cun baad tahay, ee waxaan ku dhihi lahaa Ilaahay ka cabso Digil iyo Mirifle unbaa jira xagee ka keentay DAAMO umad dhan ayaad rabtaa inaad xaqooda qaadatid damiir laawe aan Rabi ka baqeyn waryaa inta aadan dhimanin Ilaahay u toobad keen, hadaladaadana malaa’ik baa qoreysa. AfSomaligana qoraalkiisa baro awalba jaahil baad ahaydee DIKIL/DAAME wax la dhoho ma jiraan.

      • Abuukar iska daa faarax magaciisa ladhahaayo ninkaas hawiye maahan marka shaqadiisa ayuu wataaye iska dhaaf waxuu rabo halkaas haka dhaho, kkkkkk hawiye cid kasto weey ogtahay marna inaanu ogolayn inuu wax khalad ahna u ogolaan karin qoomiyadda digil iyo mirifle waa dada nagu wayn haddana aan tix galin u hayno, mar walbo marka ninkaas warkiis ha raacin , annagana raali galin ayaan ka bixinaynaa warkiisa ahaa inuu shariif xassan uu ka dhigo nin hawiye ah, ra,ligiisa ayuu ka hadlay , marka iska daaye hawshiina kale watta inuu idin soo dhax galo wuu ku khaldanyahay soo dhexgelidu waxay ku haboontahay marki aad wanaag kaga hadlayso ee marki aad hurin wax hurinaysid waa xaaran marka faarax isku xishoo allana ka baq isku dirku waa sheey aad alle u necebyahay, w b towfiiq

    • Waraa ninkoow isku xishoo doqonimo waaye inaad dad walaalo ah qoorta isku galiso waayo digil iyo mirifle iyo hawiye intuba waa dad walaalo ah siyaasaddana waa saqajaamad kuwa ku shaqada leh ayay khusaysaa ee qabiil waxba looma taro marka qabiiladda iska daaya qabiilada wax walbo oo eey kala mutaystaan way kala qaataan waxna iskuma diidaan ee waxa jirran waa kuwa siyaasadda jecel oo wax ku raadsado qabiilka kadib marki uu dantiisa gaarana aan kala jeclaan qabiillada marka soomaliyeey nabad nabad nabad

  12. asc wr wrb walal aminarts waa dulmilooow sheydaan ah runtii abgaal iyo murusade iyo habar gidir shariif dhulka uu madaxweyne ka yahay waa degenyahiin saami qeybsi buuxda ayeena ku leyahiin hadeey qarashka shirka bixiyana eey soo dhaweyaan shariif xaq beey uleyahiin taas ogoooow adigana laga baryi mayo

  13. Asc wr dhamaan reer Digil iyo Miriflle waxaan idinka codsakaan kuwa dibada ku nool dhamaan iyo jaaliyadaha D&M meeshuu imaado halaga dhagyeeyo yaan laga soo dhaweynin,waa sheydaan Ilaahay ka furtay iyo raacsan asaga ayay la mid yihiin, inta commnets aan aqriyay dhamaan waxaan ka arkay kalsooni Ilaahay ay ku kalsoon yihiin Rabi reer D&M oo ay leeyihiin Ilaahay hanaga qabto. Laakiin aniga waxaan dhahay hadii dilka ruux bani aadam uuna Ilaahay reebin hala dilo shariif sakiin. balse ilaahay ayaan ku filan asaa dili doono sixun u dhiman doona inshaa alaah GUUL D&M gacanta is qabsada walaalayaan
    wabilaahi towfiiq

  14. gurigiga dhismihiisa waa laga soo bilaawaaa caascaaska anaga hada nahay digir iyo mirifle fiiriya xildhabaanada anaga namatao iyo wazaaradaha ey matalaam digil iyo mirifle mayihiin kuwa qadyad leh yaan been laisu sheegi xildhabaanada ugu xun wa kuweena wazaarada ugu nacsisan wa kuweena fiiri wazaarada gaasshaandhiga waa masawar xubkii dawlada oo masuul ka ahaa ayaa lagu gumaaday biyomaaal mana kahadli karo gobalka lagu gumaaday wa gobalka shabellaha hoose dhamaantooda waa dhuuna qaatiyaaal aan qadyad leheeen ee hanagy daalinina nacallaa dhalay

  15. kuwiinnan qabiilku madax maray oo badankoodu dalal ay qaxooti ku yihiin ka soo gubaya masaakiintii ay ka tageen, haddaad ilaahay taqaaniin Alle u laabta ee cudurka soomaali buriyey iska daaya wax idin tari maayo cadaab allena waad ka heleysiine, Soomaliyu waxba kalama leh ka badan guri ama beer loo cabbiray, haddii aydnaan Alle aqoonse ilaahay soomaali ha idinka qabto isagaa la idinka megen galee, ruux kasta oo magac soomaali ka hooseeya u doodana codku ha ku dhego oo cudur aan daawo lahayn allaha ku sallado.

    • Kooke khayr allaha ku siiyo soomaliya waa dal soomaliyyed wuxuuna u baahanayahay nabad dadkeedana nabad allaha ku waariyo wax qabad waala heliyaa haddii nabad la helo

  16. abti ninkaan kooke laleeyahow abti wacdi d/m umabaahna dadka wacdiga ubaahana ayagaa dadka wax usheega ee wacdigaa wado daarood iyo hawiye ayaa cudurkaas somali kuwadee kkawacdi hadii ilaahay kabaqit kaatahay oo masaakinta dhaca booba

  17. ASALAMU CALAYKUM WALAALAHA DHAMAANTIIN ANIGA WAXAAN TAAGEERSANAHAY 6DA GOBOL WAXAANA KASOO JEEDAA D/M LKN WAXAN ARKAA IN AAN DHULKA LAGA QAADIN RABITAANKENA HADANA WAXAA ADAG XILIGAAN INAAN JABHADAYNO OO CIIDAMO SHISHEEYE AH AYAA WADANKII JOOGA OO SUURAGAL MA,AHAN HADII AAN MUDAAHARADNO SIDII AAN DHAWR MARBA SAMAYNAY CIDNA NAMA DHAGAYSANAYSO OO WALIBA WAA NALAGU DILAY ILAAHAY HAU NAXARIISTO WALAALIHII NAFTOODA QAALIGA AH KU WAAYAY AAMIIN AAMIIN.
    ANIGA HADA WAXAY ILA TAHAY INAAN KABILOWNO WAXA UU SHARIIFKAN WADO LUGNA AAN KU YEELANO OO YAANAN FURSAD SIININ DADKA CADAWGENA AH KADIBNA AAN USII GUDUBNO HADAFKEENII AHAA 6DA SI TARTIIB AH MAR KAAN CAQLUGU HASHAQEYO HADII KALE BOOSKAN DAD CADOW AH AYAA GALAAYO OO ADIGANA KU DHIHI DOONA WAA MUCAARAD HADABA AAN TAAGEERNO ANAGOO HADAFKENU YAHAY SIDII AAN DHULKA NAGA MAQAN KUSOO CESHEN LAHAY.
    FADLAN YAAN ASHARAAF LA AFLAGADAYNIN HAL NIN DARADIIS KAASOO AAN KALA JECLAYN HADII AAD CAYSAAN IYO HADII KALEBA ISAGA LAFTIRKIISA YAAN SI ADIGABA LAGA YAABO INUU DAMBI KAASOO GAARO LOO CAAYIN SIDA DADKA KOR KOMENTIGA KA BIXIYAYABA AAN FILAAYO INAY KU XADGUDBEEN ILAHAY DHAMAANTEEN HAINOO DAMBI DHAAFO.
    ASHARAAF WAA DAD WALAALAHEEN AH OO NALA DAGAN DHAGAN IYO DHAREER WADAAGNA NALA AH SIDAA DARAADEED WAA WALAALAHEEN TAASNA WAAN KU AMAANAN NAHAY IN DADKA NALA DAGAN AYSAN NAGA FOGAYN AANA LA TAKOORIN D/M HADII AAN NAHAY WAAN KU AMAANAN NAHAY AKHWAANII FILAAH AAN DANTEENA GARANO CADOWNA YUU NAGA FAAIDAYSANIN.

  18. Asalaamu Caleykum dhamaan cida ay quseyso aragtidaan,walaalayaal waxaa inoo wanaagsan in aan is qiyaasno
    1-waqti lasoo dhaafay
    2-waqtiga la joogo
    3-waqtiga soo socdo
    aan ku bilaabo
    1- waqti la soo dhaafay 1990 -1995
    waad ogtihiin sida ay ahayd dhulka ay
    degaan digil iyo mirifle
    1996-2014 ilaa hada la soo gaaro
    Hadii shariifka xunyahay iyo haduu fiican yahayba .waxaa hada loo baahan hayah in isaga la taageero waayo waxaa uu ku socdo waa magaca digil iyo mirif .
    fa fakara hadii la diido waxaan diidney in aan horay u socono micnaheeda waa aan joogno meesha hada aan joogno taasoo ay dan ugu jirin dadka ku nool somaliya gu daheeda -banaanka ayaan joognaa waxaynu leenahay wuu xun yahay cagli ma ah ,ha ka fekerin waqtiga la joogo shariifku waa qof shaqsi waqtigii ilaahey ugu talagalay ayuu noolaanaaya ogowna in 300 sano uusan gaareynin. waa in aan u daneynaa in marka hore la helo maamul wixii qaladaad ah waa la saxaayaa walaalkaa markuu hiilo u baahan yahay taageer. ha fiirinin shariifka fiiri magaca uu wato oo ka muuqanaayo in jiro maamul la dhaho koonfu galbeed.

  19. asc marka hore walaalaha fikirkod kadhibtay halkan wan iden salamay.kala duwanashaha fikirka waa wax fecan hadan wax laqu dumenayn,,waxa arka walaluh uita badan way hadlen lakin meesha murte kama muqada iyo maxaan qabsanaa.mar arintu haday haka taganhay mugdiga lagama baxay ee ha,laysasaxo sharifa waa shakhse bere ayuu taga lakiin manta ayaa tagntahay

  20. WAXAAS loo joojin maayo HADAL badana LOOMA BAAHNA HADDA JUST3 qodob
    1- Madonna nuunow in UU XIRIIR LASAMEEYO MUWAADHINIINTA KOFUR GALBEED EEHUBKA IYO DAGAALKA AAD U YAQAAn
    2- in lacag la helo gudaha iyo dibadaba
    3-xooga in la sooro Any price kismayo iyo marka
    Wabillaahi towfiiq

  21. abkay dooli diloow dad nool maas u daahaa hawiye iyo daarood aa ka qaylyay shariif sakiin ee eelay iska barya illaahay AMA ISKARAACA WAA FAD AMA HA FADIN SHARIIF SAKIIN LEEWAAY! 2016ka madaxwayneha soomaliya oo dhanbuurabaa ee kahor wareega uun idingalaafanin e

  22. kkkkkkkkkkkkkkk abowkey and abayey fadmase ha fadin wa lagu fadsiin but 1question somali waa dir daarood iyo hawiye adinka amee koyteen intaase ka kooyten waanba yaabaye

  23. Runtii qof waliba dalkaa iyodadkaaui dhashay waaku waajib in uu ka hadlo aragtida kaga aadan mowqifkiisa siyaasdeed waana u madaxbanaan yahay.mana jirto cuqdad iyo naceyn la isu qaadayo, waayo waxaad soo gudbisay aragtidaa ku aadan sida ay wax ku haboon yihiin,waxaan qabaa maanta markaaddibu eegto soomaaliya waxaa dhan walba dib u dhac weyn kahaysta waa ummadda aan ka dhalaney.dhinac aan maanta soomaali kula tartami karno ma jirto hadee sow looma baahna in ciddii fikrad keenta in fikradaa laga wada tashado ka meel loo iheeyo.shariifka fikrad buu keenay wuu soo dhex dhigay siyaasiinta iyo xildhibaanada iyo aqoonyahanada, waxaan nala noqotey in dib loo lafa guro,muddo laga hadlo, la qabto shirar badan, la eegay waxaa maanta ay beesha caalamka ay rabo oo sihoose oo xooraansadey laogaadeyna in lixdan gobol waqti xaadirkan loo kaka qeybiyo min sedex gobol oo si ku meel gaar ah ilaa laga gaarayo 16 oo doorasho buuxda dhaceyso, hubnana in ay is raaci doonaab.
    sidaa darteed shariif xasan inuuwax hagaajiyey mooyee wax ma haleyninee, waxaana qabnaa inuu jjyahay qofka keliya maanta dib u dhaca bulshadan ka saari karo, soona gaarsiin karo heerka federalisimka madaxbanaan. waa fikradeydi yaan la igu nicin wa bilaahi towfiiq

  24. Mudanayaal,

    Sidee ugu fekerteen 6-Gobol ileen 3 kamida waxaa dega waa DAAROOD oo aan yeelayn in EELAY u talise sababtoo ah Somaliba kuma hadlaan…sidee la isku fahmayaa weeeye…ileen gobollada GEDO, JUBOOYINKA waxa dega waa dad caadi ahe

  25. Dulmi iyo dab shidnimo ayey dibadaha la joogaan dadka qaarkiis Allena kama baqaan inta badan. Qabyaalad, qof naceyb, qish iyo qayaano ayaa ku qufulan. Madaxweynaha KGS Shariif Xasan Shekh Aadan waa shakhsi nadiif ah, daacad ah, Alle yaqaana, ummaddiisa u naxaya, beenaale aheyn, ballan ku beenle aheyn,. Waa shakhsi akhlaaq leh, masaakiinta u roon, deeqsi ah, geesi ah, aan gardaro aqoon, halgan badan u soo marey, hurey hanti, waqti iyo maskax sidii loo badbaadin lahaa guud ahaan ummadda Somaalkiyeed gaar ahaan dadkiisa Digil-Mirifle. Dadka aflagaadeynaya qaar waa la hubaa inaysan Digil-0Mirifle dhalad ah aheyn. Shariif Xasan dadka ma aflagaadeeyo,waxaa uu ka soo jeedaa qoys ahlu kheyr ah oo tarbiyada ubadkoodana wanaajiya. Qofkii u gafa qof noocaas ah waa qof asaga isu gafey waalidkiisana aflagaadeeyey. Shariif dambi dhaafna wey u tahay waxna kama tareyso caydooda.

    • aniga aqris lee iga so haray wax aan sheegaba wa garan la ahay …. lakin wax aan horay u aqoonin aan ka bartay murankaan.

  26. Walaayaal, aqoon yahanka Gobollada Konfur galbeed, waxaa ka feketrtaan si ey ku soo noqon lahay Soomali midnimo, ummaadda wada degta ama wada degganaa jirtey sidii nabad loogu soo celin lahaa dadkeyna qaxootiga xeryaha dadsan loo soo celin lahaa ha ku mashquulinina Sakiin iyo qorshahiisa, ka gudba

Comments are closed.