Xukuumada Federalka Somaliya oo Si Rasmi Ah Ula Wareegtey Maamulka Hawada Somaliya

0
17

qoorsheelSiihayaha Xilka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Siciid Jaamac Qoorsheel oo maanta dalka dib ugu soo laabtey ayaa Warbaahinta ugu sheegay Garoonka Muqdisho in dowladda ay si rasmi ah ula soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya.

Wasiir Qoorsheel ayaa ku waramaya in 4-tii Bishan ay lasoo wareegeen gacan ku haynta iyo Koontaroolka maamulka hawada Soomaaliya oo hada kadib laga maamulaayo Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay inay tababar siinayaan dhalinyaro Soomaaliyeed si ay uga shaqeeyaan arinta ku aadan maamulka hawada dalka Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in hada aysan jirin shaqaalo arintaan u tababaran oo Muqdisho jooga.

Si kastaba arintu ha ahaatee arintan ayaa noqoneysa mid dhiiri gelineysa wax qabadka xukuumada federalka walow ay iska jiraa arimo yar yar oo mararka qaarkood dhaca.

Daafeet.Com