Madaxweynaha Dowlada Federalka Xasan Sheekh oo Ku Wajahan Magalada KIsmaanyo Si uu uga Qeyb Qaato Bixitaanka Ciidanka Sierra Leone

0
27

xasanMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ku wajahan Kismaayo, si uu u sagootiyo ciidamada dalka Sierra Leone ka socda ee qaybta ka ah AMISOM oo dalka ka baxaya.

Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu salaam sharaf ka qaato ciidamada dalka Sierra Leone, isla markaana uu u jeediyo khudbad sagootin ah, iyadoo la sheegayo in ciidamadaas lagu bedeli doono kuwo ka socda Itoobiya.

Ciidamada Sierra Leone ee maanta baxaya ayaa muddo sannado ah dalka ku sugnaa, iyadoo aan wax bedel ah lagu sameyn, maadaama uu dalkoodu ka jiro cudurka halista ah ee Ebola oo kumannaan qof ku dilay dalalka ku yaalla Galbeedka Afrika.

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa horay u sheegay in ciidammo ka socda dalka Sierra Leone aysan imaan karin Soomaaliya, taasoo ay sabab uga dhigeen si looga hortago in cudurka Ebola uu soo gaaro Soomaaliya.

Daafeet.Com