U qeybsanaha Arimaha Africa oo soo Dhaweeyey Magacabista Reysuwasaraha Cusub

0
34

sidikoumaman660Madaxa U qeybsamaha midowga Afrika Ee Soomaaliya Maman S. Sidikou ayaa soo Dhaweyay Magacaabista Raiisal,wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Mr Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

 

Ambasador Maman S. Sidikou ayaa ugu baaqay Raiisal,wasaaraha Cusub in uu la tashi la sameeyo Sharci dajiyeyaasha ama Baarlamaanka Soomaaliya si buu yiri loo helo Xumuud wax samata bixin karta.

 

Waxaana uu rajo wanaag ka muujiyay Ambasadorka in Raiisal,wasaaraha Cusub uu hore u soo qabtay Xilka Raiisal,wasare nimo Sanadadii 2009 ilaa 2010 xiliyadii Dowladahii KMG aha ay dalka ka shaqeynayeen taasi oo uu sheegay in ay usii Fududeyndonto Gudashada waajibaadka shaqo e Horyaala Xiligani.

 

Daafeet.Com