Ciidamada Sierra Leone oo Maanta Gebi Ahaantood Ka Baxay Dalka Somaliya

0
20

Nigerian reinforcements ECOMOG peacekeepCiidanka Sierra Leone ee qeybta ka ahaa howlgalka AMISOM ayaa maanta ka baxaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, halkaas oo loogu qabtay xaflad sagootin ah oo uu ka qeyb galay madaxweynaha Dowlada Muqdisho, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe oo ka hadlay xafladda ayaa bogaadiyay howshii ay ciidanka Sierra Leone qabteen intii ay ku sugnaayeen Soomaaliya.

Waxay sheegeen inay ciidankaas qeyb ka qaateen howlgalladii Al-Shabaab looga saaray deegaanno badan oo ku yaalla gobollada Jubbooyinka. Waxay la howlgalayeen ciidanka Kenya ee ku sugan Kismaayo.

Sierra Leone wuxuu ahaa dalkii lixaad oo ciidan ku biiriya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), waxaana ay hadda Soomaaliya ciidamo ka joogaan dalalka Nigeria, Burundi, Djibouti, Kenya iyo Uganda.

Daafeet.Com