Madaxweynaha Dowlada Federalka oo Ku Xad Gudbey Heshiiskii Adis-abab ee u Dhexeeyey Jubba iyo XukuumadaFederalka

2
28

xasanMadaxweynaha oo inta badan lagu eedeyn jirey in uu yahay qof keligii taliye ah  oo aan jecleyn in uu la tasho xukuumada inteeda kale ayaa kadib kolkuu shaley tegey magalada kismaanyo ku dhawaaqey hadal lid ku ah hishiiskii Adis Ababa ee u dhexeeyey xukuumada federalka iyo Hogaamiye Axmed Madoobe.

Hishiiskaasi ayaa waxaa ku qornaa in uu Axmed Madoobe yahay hogaamiyaha kumeel gaarka ah ee jubba balse waxaad moodaa in madaxweynaha uu mar walba ka hor imaanayo hishiisyada u asaga saxiixo.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa tilmaamay in hada wixii ka danbeeya hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubba uu qaadanayo magaca madaxweyninimo ee maamulkaasi,wuxuu sidoo kale madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay in mar waliba Dowlada garab taagan tahay dhismaha maamul goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegey in wax badan laga bedeley hishiisyadii ay wada gaareen xukuumada federalka iyo hogaamiye Axmed Madoobe taasoo aysan jirin cid ka wada hadashey ama meel ay ku qoran tahay hishiisyada waxa laga bedeley ee uu ka hadlayo.

Si kastaba arintu ha ahaatee siyaasada guud ee dalka somaliya ayaad waxaad moodaa in xukuumada ay ka tahay maqaarsaar go,aanadana ay kasoo baxaan duul aan la arkeyn taasoo carqalad ku noqon doonta jiritaanka dowlada dhab ah oo ay yeelato dalka somaliya.

Hishiiskii Juba iyo Xukuumada Federalka waakan

heshiis_Jubba01

1- In maamulka Jubaland magaciisa laga dhigo Maamulka Kumeelgaarka ah ee Jubba, waxaana maamulkaasi hoos imaan doona Sadexda Gobal ee Gedo, J/Dhexe iyo J/Hoose

The Federal Government of Somalia and the Jubba delegations have agreed on to an Interim Administration for Jubba, consisting of Gedo, Lower Jubba and Middle Jubba Regions without prejudice to whatever the people of these regions decide finally as a result of constitutional process. This Interim Administration shall be called the Interim Jubba Administration.

2- Maamulkan wakhtigiisana noqoto 2 sano, waxaana marka la dhameystiro maamulkada Federaalka sida Dastuurka qabo maamulkan isu bedali doonaa Maamul Gobaleed Federaal ah

The duration of the Interim Administration shall be a period of not more than 2 years, during which – and subject to the constitutional process – a permanent Federal Member State will be established.

3- Hogaamiyaha maamulkan waxaa hoos imaan doona maamulada Gobalada Gedo, Jubada dhexe iyo Jubada Hoose.

The head of the Interim Jubba Administration shall be the Leader of the three regions of lower Jubba, middle Jubba and Gedo and also the Chairperson of the Executive Council and shall be accountable to the Federal Government of Somalia.

4- Dhamaan ciidamada gobaladaasi ku sugan ayaa sidoo kale hoos tagi doona maamulka Jubba, waxaana la isku dhafi doonaa dhamaan ciidamada Dowlada, Raaskambooni iyo Booliiska oo hoos tagaya maamulka Jubba

That all security elements, including, RasKanboni Brigade (RBK), the Darwish and any other militias shall be integrated into the central command of the Somalia National Army (SNA); and the regional police will be under the command of the Interim Juba Administration.

5- Hogaamiyaha Maamulka Jubba (Axmed Madoobe) ayaa soo magacaabi doona golaha Wasiirada, iyadoo uu wadatashi kala sameenayo dowlada Federaalka.

The Executive Council shall be the executive organ of the Interim Administration, and whose members will be appointed by the Leader with consultation and coordination with the Federal Government. The Federal Government shall have responsibility to assure inclusivity.

6- Dekkada Kismaayo iyo Airporka waxaa lagu wareejin doonaa dowlada Federaalka lix bilood gudahood, dowlada Federaalka ayaa guddi usoo dhisi doonta iyadoo la tashaneysa maamulka Jubba, balse inta xiligaasi laga gaarayo 6da bilood ee soo socda waxaa dekkada iyo Airporka sii maamuli doona maamulka hada gacanta ku haya. Dowlada Federaalka ayaa soo magacaabi doonta Saraakiisha Waaxda Socdaalka ee ka hawlgalaya Xarumahaasi.

The Kismayo Sea Port and Air Port Management shall be handed-over to the Federal Government of Somalia (FGS) in 6 months period; after which the Federal Government of Somalia shall appoint a competent management team in consultation with the Interim Jubba Administration meanwhile the current management of port prevails for the next 6 months. The Federal Government of Somalia will appoint immigration officers to all entry points.

7- Dakhliga kasoo baxa illaha dhaqaalaha ee Kismaayo waxaa loo qoondeeyey inay lagu dhiso maamulka Jubba iyo hay’adihiisa.

The revenues and other resources generated and accruing from the Kismayo Airport and Seaport shall be exclusively utilized, invested and disbursed on the priorities of security, service delivery and institutional building of the Jubbas.

8- Dakhliga kasoo gala illaha dhaqaalaha Kismaayo ee lasiinayo Dowlada Federaalka waxaa la jaan goyn doonaa xili la dhameystiro maamulada kale ee Federaalka Soomaaliya. Iyadoo la tixraacayo Dastuurka Federaalka.

This interim arrangement shall continue until there is final agreement on revenue sharing in the country as per the constitutional process.

9- Waxaa shirar dib u heshiisiin lagu qaban doonaa muddo labo todobaad gudahood ah magaalada Muqdisho, kadibna waxaa shirka labaad lagu qaban doonaa magaalada Kismaayo.

Daafeet.Com

2 COMMENTS

  1. Axmed Madoobe waa shaqsi xoog lagu keene gobolka jubada hoose oo aan u dhalan
    Madaxweyne kama nogon karo Madaxweyne Gurgurte waa galad in madaxweyne ugu yeero qof aan la dooranin xoog ku haysto gobolka

  2. if you call Koonfur Galbeed head – Madaxweyne, its only logical to call jubaland head, the president, otherwise you will be taking sides

Comments are closed.