Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Maanta Saxiixay Sharciga Cusub ee Loogu Tala Galey In Lagu Sugo Amaanka Kenya

0
22

KenyaMadaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta oo Jimco ah saxiixay sharciga cusub ee ammaanka Kenya kaasoo arragtiyo kala duwan ay ka muujiyeen dadka Kenyanka ah.

Waxyar kadib markii uu saxiixay Sharcigaas isagoo ku sugan guriga looga arimiyo Kenya, ayuu sheegay Madaxweyne Uhuru Kenya; in sharcigaan uusan ku xad-gudbayn Xaquuqda Aadanaha ama Dastuurka u yaallo Kenya, balse loogu talo galay in lagu adkeyo ammaanka dadka Kenyanka ah, gaar ahaan in looga hor-taga falalka aragagaxisada iyo noocyada kale ee dambiyada ah.

Madaxweynaha kenya ayaa ugu baaqay shacabka Kenya in ay akhriyaan sharcigaan cusub oo uu sheegay in loo ogolaaday intii aanan laga doodin ka hor, isagoo yiri “ujeeddada ugu weyn ee sharcigaan laga doonaayo waxey tahay… kaliya in lagu ilaaliyo nolosha iyo hantida dhamaan muwaadiniinta Kenya.

Mucaaradka Kenya, Qaar ka mid ah Hogaamiyaasha Muslimiinta iyo Ururrada Bulshada rayidka ayaa si cad uga soo horjeestey shacigan maanta la saxiixey. Waxaana sidoo kale dhaleeceeyay sharcigan Hay’adaha Xaquuqul Aadanaha ee Human Rights Watch, Amnesty International iyo Warbaahinta dalka Kenya.

Daafeet.Com