Ciidanka Boliska Somaliyeed oo Maanta U Dabaal Degey Sannad Guuradii 71aad

0
29

boliskaCiidamada Booliska Soomaaliya maanta ayaa maanta u dabaal degey Sanad Guuradii 71 aad ee kasoo Wareegatay markii dhidibada loo Taagay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Waxaan Xarunta iskuul buluusiyo ka dhacaday Munaasaba lagu weyneynayey Maalinta Qiimaha gaarka u leh Booliska Soomaaliyeed, waxaan ka qayb galay Madaxweynaha Dalka Xasan Sheikh Maxamuud ,Gudoomiye Jawaari iyo Saraakiisha Ciidamada qeybhooda kala duwan iyo marti Sharaf kale.

Ciidamada ayaa salaan Sharaf ka qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud.

Ciidamada ayaa soo Bandhigay Gaado ka cayaar aad u heer sareeya iyo Sidoo kale Dhoolatus ku saabsan sida ay Ciidamada uga hortagaan dibad baxyada Rabshadaha wata xili uu taagnaa Madaxweynha.
Daafeet.Com