Amisom oo ka Hadashey Falkii Shaley Ka Dhacay Xerada Xalane

0
43

amisomXarunta AMISOM ee Xalane ayaa shalay waxaa weerar ku qaaday dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab,sida warsaxaafadeed ka soo baxay Midowga Africa lagu sheegay.

Warsaxafadeeda AU-da ayaa lagu sheegay in dagaalyahanada xarunta Ciidan weeraray ay xirnaayeen dareeska Ciidamada Dowlada Soomaaliya,waxayna isku dayeen inay gudaha u galaan,iyagoona saacado kooban xarunta ku gadaamnaa.

Wakiilka gaarka ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaalya Mama Maman S. Sidikou oo ka hadlay weerarkii shalaya ayaa sheegay in weerarka lagu dilay shan ka mid ah dagaalyahanadii weerarka soo qaaday halka seddex kalena la qabtay,sida uu Maman S. Sidikou uu sheegay.

Inta dagaalka uu socday ayuu tilmaamay in sedex ka tirsan Ciidamada AMISOM iyo dad Shacabka ah noloshooda ku waayeen weerarka.

Ciidamada AMISOM aya dib ula wareegay gacanta ku haynta Xalan,xaaladana sideedii hore ayay ku soo noqotay.
Daafeet.Com