Daawo:- Ibraahin Jaangow oo 23 Sano kadib Somaliya ku Tegey Safar Gaaban

2
39

jangow kowIbraahin jaangow oo ka mid ah ganacsatada kasoo jeeda koonfur galbeed somaliya ayaa si lama filaan ah ku tegey dalka somaliya isagoo ay ugu dambeysey mudo 23 sano ah.

Ibraahin ayaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey qaar ka tirsan odey dhaqameedyada kasoo jeeda koonfur galbeed somaliya sida Suldaan Warsame, Suldaan Buube iyo Cumar Bikolo oo isna halkaasi ku sugnaa, waxaana ay aad ugu amaaneen booqashada sida lama filaanka ah ee uu Ibraahin ugu tegey.

Ibraahin ayaa mudadii uu ku sugnaa dalka somaliya waxaa uu si wanaagsan usoo indha indheeyey xaalada guud ee dalka gaar ahaan dhinaca busniska maadaama uu asagaba yahay nin arimahaas ku xeel dheer.

Ibraahin ayaa shacabka koonfur galbeed ku booriyey in ay dalka dib ugu laabtaan isla markaana ay maal gashi ku sameystaan deegaanadooda maadaama aysan jirin cid kaloo u maqan.

[slideshow_deploy id=’18411′]

Daafeet.Com

 

 

2 COMMENTS

  1. woooow meesha waalgu dhan yahay Sufi, iyo Bikole iyo Caliyare ahaa reer MN waa isku baheysteen meesha waad mahad san tahay Daafeed news update ka

  2. WAA WAREEY DHULKEE AYUU KU SOO DAGAY
    ADEER NINKANI WAA FULAY KOLKII 1991 AY MOORYAANTII HAWIYE SOO GASHAY DHULKIISII UGU HOR BAX SADAY INTII UU ISKA DIFAACI LAHAA AMA UU LA GORGORTAMI LAHAA
    FULAY FULAY MAANTANA AYAA KU ILAALIN
    IMIKAA INTII AAD QURBAHA KALA TIMID LAGAA QAADI
    DAAFEET WAXAAN KA CODSNAYAA IN AYNA FULAYDA SOO WARAYSAN SOONA QORIN
    BEENTOODA AH QURBAAN KA IMID ADEER WAY BAXSADEEN MARKAAS AYAY HADA RABAAN DHULKII BARI HORE LAGALA WAREEGAY IN AY HADA SHEEGTAAN AMA MISKIIN DHULKIISII U HALGAMAY OO KU DADAALAY IN AAN LAGA DHICIN IN AY KA IIBSADAAN OO ISKAGA DHIGAAN DAD QURBAHA UGA SOO XAGAA BAXAY OO DHUL AY KU NASTAAN RABA
    DAAFEET MAR DANBE HA U NOQONINA

Comments are closed.