Dhegayso..Isgaarsiinta ka go’an deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo,Bay iyo Bakool oo saameyn ku yeelatay dadka

0
39

cutMuddo ilaa 3 asbuuc ah waxaa hawada kamaqan adeegii isgaarsiinta layskula xariirayey qaar ka mid ah degmooyinka iyo Tuullooyinka Gobolada Gedo,Bay iyo Bakool,iyadoo dhibaatooyinkaasina ay saameyn xaga nolosha ah ay ku yeelatey kumanaan ruux oo muddo ka badan ilaa 10 sanno  isgaarsiintaasi u isticmaalayey Telefonada gacanta,Adeega EVC+ iyo Fududeynta Internedka.

Ilaa iyo iminka si rasmi ah looma oga sababaha loo jarey Isgaarsiintii dadka ku dhaqan Goboladaasi ay kula xariiri jireen dalka intiisa kale iyo dibadaba,balse wararka laga helayo ilo xog ogaal ah oo ay ku jiraan Howl wadeenada shirkada Hormuud ayaa sheegaya in ay la xariirto khilaaf soo kala dhexgaley Maamulka Hormuud ee degmada Diinsoor iyo Xarakada Alshabaab ,kaasi oo saameeyey degmooyinka kale,inkastoo ay jiraan wada hadalo u soconayo labada dhinac.

Degmooyinka sida weyn looga dareemay Baahida isgaarsiin la,aanta ayaa waxaa ka mid ah,Diinsoor,Qansaxdheere,Ufurow,Baardheere,Buurdhuubo,Ceelcade,Xudur,Waajid iyo dhamaan Tuullooyinka hoos yimaada degmooyinkaasi,iyadoo deegaanadaasina xilligan ayan jirin Telefono si toos  dadku ay kuwada xariiri karaan.

Cabdulaahi Xuseen oo ah Sarifle iyo iibiye Kaararka Hadalka oo degan Degmada Baardheere ayaa Warbaahinta u sheegay xirnaanshaha isgaarsiinta hawada ka maqan in ay saameyn adag ku yeelatey dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo Ismaqalka,isagoo sheegayna sanadahii u dambeeyey in uu kobcayey horomarka isgaarsiinta iyo Ganacsiga Gobolka,balse xilligan uu cabsi ka qabo Nolosha kumanaan Ruux oo nolol maalmeedkoodu uu ku tiirsan yahay Isgaarsiinta.

“Dukaan ganacsi ayaa iiga furan Diinsoor muddo dhan ilaa 10 sano,waxaana iibiyaa,kaararka hadalka,waxaana sarifaa lacagaha EVC+,Maalinkastaana waxaan faa,ido u heli jirey lacag $30 ilaa $20 dolar,taasoo nolosheyda iyo mida Qoyskeyga aan ku maareyn  jirey,balse isgaarsiinta hawada ka maqan waxay hoos u dhac ku keentay ganacsigeyga maadama aanan garaneynin shaqo kale sidaasi waxaa tiri Batuulo maxamed oo ka mid ah Haweenka Ganacsatada ee Degmada Diinsoor.

Sida laga soo xigtey Howlwadeeno ka tirsan Shirkada Hormuud ayaa tirada dadka ay saameysay isgaarsiin la,aanta ee ku dhaqan Goboladaasi ayey ku sheegeen tiradoodu in ay kor u dhaafeyso ilaa 20 kun oo ruux,kuna kala nool magaalooyinka,Tuullooyinka iyo dhulka miyiga ah.

Halkan ka dhegaysoIsgaarsiinta Telefonada oo ka go,an Deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo,Bay iyo Bakool