Dhegayso…Caruurta Buurdhuubo oo u la’anaya cudurka Jadeecada

0
72
jadeecoTodobo ruux oo shan ka mid ah ay yihiin Caruur da,dooda ay u dhaxeyso 5sanoilaa Hal sano jir ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyey inay Cudurka Jadeecada  ugu dhinteen Nawaaxiga Tuulada Saabley oo Buurdhuubo u jirta 15km,halka ilaa 42 Qofna ay la liitaan Xanuunkaasi oo maalmahii ugu dambeeyey si weyn looga dareemay degmadaasi.
Degmadaan ayaa muddo 10 bilood ah go’doon ka ahayd dhammaan degmooyinka Gobolka Gedo,iyadoo caruurta dhimatey ay da,dooda ka hooseyso ilaa 7 sanno jir ah,halka dadka waaweyna da,doodu ay u dhaxeyso 20 ilaa 18 sanno jir,dhamaan dadkaasi ayaa waxay ka soo kala jeedaan Qoysas reer miyi ah.
Xaaji Ladane Ismaaciil oo ah Gudoomiyaha Gudiga Caafimaadka degmada Buurdhuubo oo la hadlayey Radiyaha Wadajir ayaa sheegay dhimashada caruurtani iyo dadka kale  in ay sabab u tahay  adeegii caafimaadka deegaanka oo meesha ka baxay mudo ka badan ilaa Tobon bilood Colaadaha,Barakaca iyo wadooyinka oo xiran dartood
Halkan ka dhegaysoCaruur