Wadankii Jamhuriyadda Somalia ee Burburay Yaa bad baadin Doono? Qore: Abdi Sheeq

0
28

amiinSu’aasha maanta dad badan ay isweydiinayaan waxay  tahay, yaa u maqan Wadankii la dhihi jiray Jamhuuriyadda Somaliya ?   Cid kasto waxa ay rabtaa in ay burburiyso wadankii la dhihi jiray Jamhuuriyadda Somalida.  Labatanka  sano ee soo socda, waxaa laga yaabaa in arinta hadii ay  sidaan  ku sii socoto ay khatar ku jirto jiritaanka Wadanka iyo dadka Somalida.

Qaar Eithiopia ayey  ku biireen si dabdban,  kowo kale Kenya  ayaa laga xukumaa, k uwo kalena  Wadamada carabka ayaa been dhegta ugu sheegto oo zakada ka soo gurto, iyo kuwo aan meel heysanin  oo wareersan laakiin ku qasbanaan doono inay  dhinac raaci doonaan. Waayo biyo iyo dad kaa badan wey ku harqiyaan.  Madaxdii  ama dhammaan  hogaamiyeyaashii dalka waad aragteen, waxa ay har iyo habeen ka shaqeeyaan, waa danahooda gaarka ah, kan qoyskooda iyo kan qabiilkooda!  Qabiil iyo Qaran meel islama gali karaan, diin iyo diin daro meel ma wadagli karaan, daacad iyo daacad daro meel ma wada geli karaan!

Waxaan ugu baaqayaa Somalida yar ee waddaniyiinta ah, aniga waxaan ku qiyaasaa  kunkii qof  qof ee Somalida ah hal qof  oo daacad ah ayaa ku jira, markaa waxay la mid tahay tobtoka malyan ee lagu qiyaaso Somalida, waxaa ku jira kun qofood qofood oo wadaniyiin ayaa Somalida laga helaa. Markaa intaas qofod awood ma u leeyihiiin inay wax badbaadiyaan? Jawaabta akhristayaasha ayaa la idinka sugayaa.

Waxaan rabaa inaan cadeeyo aritaan aan kor ku qoray oo ah  ma kun qofood  ( 1000 qof) keliya ayaa waddanka  oo dhan daacad u ah? Waayo, aniga waxay iila tahay, hadaan haldlka si kale u qeexo, Somalida 85% waxay ay caabudaan Sanam ama dhagax lagu maqaaco “QABIILKAYGA”  waayo, qofka Somaliga ah 99% waxa uu daacad u yahay waa qabiilkiisa,  qabiilkiisa  ayuu ku kalsoon yahay, asagaa hogaamiya u ah, asaagaa ayuu wax kasto ka hor mariyaa, wax kasto ka dhageystaa, hadii la xumeeyo dhiigiisa u huraa, iyo maalkiiisa,  xataa diinta aan sheeganayno ee Islaamka ah  sida  qabiilka ayaa ka xoog badan.   Sida Somalida ku maahmaahday, “Qabiilkaaga iyo maradaada lagama dhex baxo”.  Sidaa darteed xagee laga helaa dad daacad u ah Waddankooda Somalida?

Laakiin, naxriista Alla yaan laga quursan, qof keliya oo daacad ah, ayaa ummad dhan badbaadin karo, waase hadii uu uu hogaanka Alla noogu dhiibo.   Xaaladdase ma ahan mid indho fiican leh, waa mid u muuqato arin meel xun ku socoto.  Markaa inta sanamka ” Qabiilkeyga”  kooxo burburiso la helaayo, xaalka Somalida  waa adkaanayaa 20 sano ee soo socoto.

Soomaali, waxaa badbaadin karo waa hogaamiye daacad ah, oo ay u jeedadiisa keliay tahay in la badbaayio Waddankii la dhii jiray Jamhuuriyadda Somalia.  Somalida ma badbaadin karo,  hogaamiye, koox, qabiil iyo dano gaar ah ku howlan.

 

Abdi sheeq

koonfurgalbeed@hotmail.com