Warsaxaafadeed Kasoo Baxay Qurbo Joogta Ku Nool Qaarada North Ameirca Ee Kasoo Jeeda Gobolada Koonfureed ee dalka Somaliya

0
106

photo5Waxaa maanta uu ka dhacay shir oo in mudda ahaba looga hadlayey dhibaatada murageysan ee ay heysato Gobalada Koonfureed guud ahaan, gaar ahaan Shabeelha Hoose. Shirkaasi oo wejigiisa 1aad uu ka dhacay magaalada Colombus-Ohio, ee Waddanka Mareeykanka.

Wijigiisa labaadna uu ka dhacay Toronto, kan saddexaadna uu ka dhacay taariikhdu markey aheyd- 18/01/2015 ee Magaalada Toronto, ee Cariga Canada. Shirkaasoo isugu yimid dhamaan bulshada ku abtirsada Gobalada koofureed, Aqoonyahannadooda, indheer garadkooda, Siyaasiyiintooda oo ku xeel dheer Siyaasadda Caalamiga iyo tan Soomaalida.

Waxaa meel leysla dhigay dood dheer iyo gurfeyn oo ku dhisan is dhageeysi iyo ixtiraam taxadir la socda ayaa waxaa leysla gartay qodobadaan ku qoran hoos:

1- In shirku uu cambaareeynaayo, wax allaale wixii ku dheehan Kunfi, dil, dhac iyo boob sharci darro ah oo ka socda bilahaan aan soo dhaafnay ee sandkii tagay 2014 iyo tan hadda aan ku jirno oo ah 2015.

2- In ay si toos iyo si dadbanba uga soo horjeedaan Beelaha daggan Koonfurta Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose Siyaasaadda xun oo takoorka iyo musuqmaasuqa ku dheehan iyo kala faqooqidda lagu hayo Beelaha iyo deegaankooda.

3- Waxay si toos ah u diiddan yihiin oo ay u arkaan koox isbaheeysatay ay tahay waxa lagu soo dhoodhoobay Baydhabo- oo lagu magacaabay waxa loogu yeeray Waziirada Koonfur Galbeed- taasoo lagu dhaawacay sharafta iyo karaamada dadyoowga deggan Koonfurta Soomaaliya, waxaa su,aal ah oo leys wayddiiyey, Maxaa u diidey in Qowmiyadda Koonfureed dadka ka soo jeeda ay ka mid noqdaan Maamul gobaleedyada ka jira deeganada Soomaaliyeed- Gaar ahaan Banaadir ama Puntland oo maanta tirada ugu badan ay ka joogaan Goboladaasi dad ka yimid Gobolada Koonfureed, Islamarkaasina kuwa u dhashay Gobolada aan ku soo xusnay kor ay ka mid noqdeen Maamulka cusub oo hadda loo dhisay Shacbiga ku abtirsada Koonfur Galbeed.

4- Waxaa uu shirka si adag oo ku dhisan waddaninimo, u cambaareeynayaa Dilkii fool xumada ku dhisnaa loogu geystay Laba dhalinyaro oo ilma adeero ah oo naxriis darro ugu dilay Askar ka tirsan Dowladda Federaalka ee Degmada Awdheegle, oo ilaa hadda aanu jirin cid ka hadashey, iska daayee la marsiiyo sida sharcigu uu qabo, weli waxaa qayla dhaan ka imanaya deegaanka uu ka dhacay dilka – in la isku dayayo sii deeynta kuwa ah Gacan ku dhiigliyaasha oo ay ku suganyihiin Xamar.

5- Shirweynahaan wuxuu si toos ah u codsanayaa in Gacan ku dhiiglayaashaasi lagu qaado sharciga sida ugu dhaqsiyaha badan.

6- Waxa kaloo shirku is tusay in ay muhiim tahay in la adkeeyo midnimada Beelaha dega K/Galbeed, gaar ahaan Shabeelaha Hoose- kuwoodi daggan Gudaha iyo Dibaddaba- kana hortaggan dhibaatooyinka murugeysan iyo Siyaasad xumida ka jirto deegaankooda.

7- In uu Shir weyne kale lagu qabto maalinta: 14ka Febraayo, ee 2015, Magaalada Toronto Insha Allahu, shirkaasoo lagu wado in lagu soo dhiso hoggaanka Ameerikada Waqooyi si loogu mideeyo qaaradaha kale, oo ka dibna ay Beelaha wada yeeshaan Hoggaan ay ku mideysan yihiin, Hoggaankaas oo ka shaqeeya horumarintooda ku saleysan danta guud.

 

WA BILLAAHI TOWFIIQ.

photo2 (1)

photo4 (1)

photo4 (2)

photo5