Dhegeyso Xasan Sheekh Iyo Prof Jawaari oo Ku Tuntey Dastuurka Dowlada Federalka

0
33

Xasan-Sheekh-iyo-JawaariRuntii ma cusba oo ma ahan wax ku cusub dhegaha ummadda soomaaliyeed inay maqlaan madaxweyne xasan shiikh ayaa sharciga ku tuntay amaba godob hebel ayuu jabiyay amaba raisulwasaare hebel amaba wasiir hebel balse waxaa layaab iyo amakaagba leh kolka aad aragto madaxdii sare ee hayada sharci dejinta dalka oo sharcigii uu wax ka dejiyay hareer maraaya sida maxamed sheekh cismaan jawaari gudoomiyaha baarlamaanka federaalka.

Waa talaabo ay layaabeen guud ahaan intii tabaysay amaba tawsanayd inuu Jawaari ahaa Aabihii dejiyay dastuurkan qabyo qoraalka ah ee soomaalida maanta lagu maamulo hadaba sidee ayay ku dhacday inuu jawaari maanta uu xuso wax loogu yeero qoraalka afka soomaaliga iyadoo aan ognahay in waxa la xusayo uu yahay qoraalka iyo hirgelinta afka Maxaa tiriga iyadoo dastuurkeena uu daaha ka rogay in afsoomaaligu yahay Maay iyo Maxaa.

Jawaari oo hadlaya ayaa yiri “Afsoomaaligu waa kan iskuulaadka lagu dhigo oo leh Lahjado badan sida Af Baraawe, Jiido iyo Maay” ayuu maanta ka yiri Gudoomiye Jawaari Munaasabadii Afka Soomaali Maxaa.!

Mise Jawaari ayaa qodob dastuureedkan qalinkiisa ku qorin waa yaabe maxaa loo haystaa oo goor ayaan loo leeyahay hebel iyo heblaayo oo reer hebel ah ayaa duulaan ku ah jiritaanka,dhaqanka.dhulka iyo afka maaymaayga kol hadii jawaari iyo jawaariyaal badan ay naga dhasheen una dhasheen Afmayga uu sidan dhankooda ugu liito oo ay ku tunayaan maxaad mooday kuwa la dagaashan.

Ummadi waxay ummad ku tahay luqadeeda adna jawaari waxaad wax ku tahay afmaay hadaadan sidaa u ogayn maantaba ogow.

 

Halkan ka dhegeyso Qaabka ay u dheegeen waxa uu afsomaliga yahay

 

Xasan Sheekh iyo Jawaari

 

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

 

Xasan Sheekh iyo Jawaari mobil

 

Halkan hoose ka dhegeyso qaabka uu u dhigey Afka Somaliga madaxweynaha dowlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele 

 

Ismaciil Cumar Geele

 

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkaada

 

Ismaciil Cumar Geele mobil

Bal vidiyahana nala daawada su,aal sanad ka hor la weydiiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu Kaga Jawaabayo Arimaha dasuuriga ee ku saabsanaa Afafka