Maqaal..Gablantay Digilow gogol la dhigay Afgooye.

1
41

cabsiWaxaan shaki ku jirin in xiliga lagu jiro uu yahay xili kala guur iyadoo halkii loo guuri lahaana aan cidiba iska wareysan oo aan looba sahan tagin waxna layska weydiin halka geediga lagu furayo,Waxaana taasi uga jeedaa jahwareerka ka jira gudaha Qawmiyada Digil iyo Mirifle iyo waliba halka ay ku wadaan Qawlaysatada hogaanka u hayo Xasan Aadan(Shariif Sakiin) oo iyagu haatan bilaabay inay ku hadaaqaan iskuna qanciyaan inay nabadayn ka bilaabi doonaan gobolka Shabeelaha hoose iyagoo weliba isugu sheekeeya inay gogol nabadeed ay u dhigayaan beelaha Biyo-Maal iyo Habargidir waa yaabe horta inta aan nabadaynba la gaarin xagee ayay ku derseen oo ay deris hurguf dhexmartay oo la nabadeynaayo ku noqdeen beelaha Biyo-Maal iyo Habargidir mise riwaayadii xulifada Shariif Sakiin ay Baydhabo kasoo dhigeen oo kale ayay rabaan inay Afgooye ka dhigaan mise waa howgal cusub oo la rabo in lagu indhasarcaadiyo reer Shabeelaha hoose kadib kolkii indha sarcaadkii Baydhabo Muqdisho ku dhicisoobay.

Waa yaab aduun Duni lug-gooyadu ka tahay Tabantaabo oo Dulaalkuna Halyeey yahay mucjiso aduun gogol nabadeed oo Sharwade Xasan Aadan dhigayo Afgooye laguna heshiisiinayo beelaha Biyo-Maal iyo Habargidir ma waanu xaalka ahayn Daanyeerkii xariifka ahaa ee labada Mukulaal u qaybinaayay hilibka ee sidii uu marba mid u goosanayay kadib labadii mukulaal wax loo qaybiyo daayee ayba waayeen hilibkii ay rajada ka lahaayeen inuu daanyeerka u qaybiyo.

Hadaba hadii xaalka Isaabadan uu hogaanka u hayo Xasan Aadan(Shariif Sakiin) sidan ay wax u rabaan maxaa lagudboon shacabka walaalaha ah ee wada dhashay misna oodwadaagta ah sida beelaha Biyo-Maal,Begedi iyo Geledi oo dhulkoodu yahay halka Xasan Aadan(Shariif Sakiin) uu rabo inuu Habargidir u sharciyeeyo iyadoo gabaad iyo maqaarsaar uga dhiganaayo Dib u heshiisiin.

Dib u heshiisiineey Xaalqaado!

Ma waano ahayn Shariif Xasan Aadan(Shariif Sakiin) shaqsigii ay maafiyada Hawiye ee uu hogaanka u hayo Madaxweyne Xasan Shiikh iyo tan Daarood ee uu hogaankeeda boobay Axmed Madoobe u adeegsadeen burburinta rabitaanka Shacabka KoonfurGalbeed si gaar ahna kan Digil iyo Mirifle?

Soomaalidu waxay tiraah “Nin Qorax kugu dilay hoos kuuma jiido”ee Isaabadan Xasan Aadan(Shariif Sakiin) cida rajaynayso inay Nabadayn iyo Wanaag ay u wadaan gobolka waxaan leeyayhay Iimaanka ALLAH haku geliyo.

Dhaqanka KoonfurGalbeed si gaar ah kan Digil iyo Mirifle waa dhab in madax meel kasareeya oo lasalaaxaa aanu jirin idinkuna waxaad tihiin madaxdii dhaqanka ummaddaan maanta,Waa fool xumo in ummadda mas’uuliyadeeda ILLAAH idiinku amaana yeelay aad maanta u baylixisaan u deysaan oo aad ku daawataan shaqsi dulaalnimo u soo dhardhigtay sida Xasan Aadan(Shariif Sakiin) misna qaarkiin garab u noqdaan una gaashaamaan waa idiin magac xumo aduun maanta iyo cadaab aakhiro berito.

Ma ahan inaan tuhmaayo in qaar ka mid ah Dhaqanka Digil iyo Mirifle ay madiidin u yihiin Xasan Aadan(Shariif Sakiin) balse waa dhab jirta in beecgaynta dhulka Digil ay ku caawinayaan Salaadiin iyo Malaaqyo la yaqaan sidaa oo ay tahayna waxaa hubaal ah in inta badana Salaadiinta iyo Malaaqyada Digil iyo Mirifle ay sheeda ka daawanayaan sida ayan waxba ka khusayn oo kale.

Talaabadan qiiq isku qariska ah ee uu Sharwade Xasan Aadan(Shariif Sakiin) ku sheeganaayo inuu nabadaynaayo beelaha gobolka Shabeelaha hoose ayaa sidoo kale waxaa ku lifaaqan Dulaalnimo uu ku doonaayo inuu kula gorgortamo beelaha Hawiye gaar ahaan beelaha Habargidir,Murusade iyo Abgaal inuu wax uga ogol yahay gobolka Shabeelaha hoose sidoo kalena uu siindoono Madaxweyne ku xigeen maamulkiisa iyo Gudoomiye Baarlamaan iyaguna ay u ogolaadaan in madaxweyne Xasan uu wasiiro ka dhigo Dulaalo uu soo xushay Sharwade Shariif Sakiin iyadoo howshaasina ay haatanba ka caawinayaan shaqsiyaadka sedexdaas beelood kaga jira maamulkiisa dhaandawagaalaha ah.

War iyo dhamaantiis talaabooyinkan guracan ee uu ummadda la dul joogo Sharwade Shariif Sakiin ayaa waxay ahaayeen kuwo loo soo bandhigay loogana digay shacabka reer K/G qaybahooda kala gedisan laakiin horaa loo yiri “Doqontu yaan lagaaga darin bay u dareen la’dahay”taa oo aan ula jeedo in khatarahaas aan tabinay ayan dhega daloola ku dhicin iskaba daa in maskax fiyoow ay ku dhaacaan.

Kol hadii xaalka Qawmiyadu uu sidaa ku dhamaaday maxaa laga filan lahaa oo uu samayn lahaa ruux sida Sakiin damiirka Insaaniyada beelay?Waa beecgayn dhaxal kasta ee beec gala.

 

Abdiaziz ShSalah

Wadajirradio@gmail.com

1 COMMENT

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Digilow adigoo isku duuban u dhaqaaq dhanka xuriyada,waqtiga kuu gargaari,dalkaaga iyo dadkaaga waxay la il daran yihiin diiftii uu ku reebey gumeysigii cadaan iyo madowba lahaa ee is xigxigey maanta waqtiga adiga uun ayuu ku sugayaa.

Comments are closed.