Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka oo Sheegey In Gudoomiyaha Degmada Buula Burde Iyo Duqii Degmada Xabsiga Loo Taxaabey

0
101

Xeer-ilaaliyaha-Guud-ee-Qaranka-Axmed-Cali-DaahirDowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay gudoomiyaha degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan iyo duqii degmadaasi ka dib markii lagu eedeeyay Lunsasho gargaar loogu tala galay dad danyar ah oo ku sugan Buula-burde iyo deegaano hoostaga.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale lala xiray rag ganacsato ah iyo askar ka tirsan Dowlada Soomaaliya oo iyagana lala xiriiriyay Kiiska loo heysto mas’uuliyiinta maamulka degmada Buula-burde.

Xeer ilaaliyaha guud Qaranka Axmed Cali Daahir.oo arintaan ka hadlay ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Buula-burde,ganacsato iyo askar ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya oo lagu cadeeyay inay lunsadeen gargaar.

Wuxuu sheegay xeer ilaaliyaha ineysan aqbali doonin ku takri falka iyo Linsashada hantida Qaranka,islamarkaana mas’uulkii lagu helaa aanu sharciga dalka ka badbaadi doonin.