Faahfaahin Dheeri Ah Oo Kasoo Baxey Qarixii Maanta Lala Beegsadey Hotel SYL

0
30

Somali government soldiers and AMISOM peacekeepers secure the scene of a suicide car explosion in front of the SYL hotel in MogadishuQaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu weeraray hoteelka SYL ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lagu weeraray wafdi Turki ah oo hordhac u ahaa booqashada madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan oo hoteelkaas deggenaa.
Inta la ogyahay saddex qof oo laba booliis ah ay ku jiraan iyo qofkii weerarka fuliyay ayaa ku geeriyooday qaraxa, waxaana ku dhaawacmay laba qofna oo kale, waxaana goobta uu ka dhacay qaraxa ay ku sugnaayeen xilligaas dad fara badan oo isugu jiray dad shacab ah iyo askarta dowladda Soomaaliya.

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa qoray in hoteelka albaabkiisa uu ku dhacay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, balse ay badbaadeen wafdigii ka socday Turkiga oo hoteelkaas ku lahaa shir xilliga uu qaraxu dhacayay.

Cap. Faarax Nuur ayaa intaas ku daray. “Gaarigu wuxuu ku qarxay illinka hore ee hotelka, welina waxaa socda baaritaanno lagu xaqiijinayo sida uu qaraxan ku dhacay iyo cidda ka dambeysa.”

Ma jiro cid ka tirsan wafdiga Turkiga ah oo waxyeello ay kasoo gaartay qaraxan, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Turkiga. mana jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan ismiidaamint ah.